Beesha Caalamka Oo Ka Hadashay Qarax Dadkii Ku Dhaawacmey Timaha Iyo Maqaarku Ka Daateen

(SLT-Muqdisho) – Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa si isku mid ah u cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee habeen ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho. Kaasi oo ay ku dhinteen ilaa 13 qof, kuna dhaawacmeen labaataneeyo ruux.

Blast
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa cambaareeyay qarax loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo xalay fiidkii ka dhacay baar ku yaalla Muqdisho, isaga oo sheegay inay tacsi u dirayaan ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas “Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee naxdinta lahaa, kaasi oo lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, weerarkaas oo dhaliyay xalay khasaare baaxad weyn. Xeeladaha aan kala-sooca lahayn ee lala beegsanaayo dadka Soomaaliyeed waa fal naxariis darro ah, waana dambi mudan in la cambaareeyo,” ayuu yidhi danjire Kay oo hadalkiisa ku daray. “Shaqaalaha ka shaqeeya amniga iyo caafimaadka waxaan ku amaanayaa gurmadka deg-degga ah ee ay fidiyeen dadkii dhibaatadu kasoo gaadhay qaraxaas”
Mr. Kay ayaa intaasi raaciyey “Dambiilayaasha waa si deg-deg ah cadaaladda loo hor-keeno” ayuu yidhi.
Dhanka kale, ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, danjire Maman S. Sidikou ayaa isaguna si adag u cambaareeyay weerarkaas ismiidaaminta ahaa “Waxaan aad uga walwalay qaraxii gaadhiga loo adeegsaday ee baar Oromo oo ku yaalla Muqdisho lala beegsaday, halkaasoo ay shacab badan joogeen, dadka ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay waxay ahaayeen shacab aan waxba ka galbasan” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Falkan waa mid mideynaya shacabka Soomaaliyeed ee kasoo horjeeda shaqsiyaadka maskaxda laga qalday ee u taagan mar walba layna shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yidhi Sadikou.
Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo markii qaraxani dhacayey hadal ka jeedinayey Munaasibad lagu xusayey 12-ka bisha October oo ah lixdan guuradii ka soo wareegtay markii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago Soomaaliya, ayaa qaraxaasi cambaareeyay “Sabab dadkaasi loo dilay ma garan karno, laakiin waxay tilmaamaysaa rejo xumada nimankaasi (Al-shabaab) oo wax rejo ah oo ay dadka iyo dalka ka leeyihiin aanay jirin oo ay uga dhamaatay ummada” ayuu yidhi, Madaxwayne Xasan Sheekh, waxaanu intaasi ku daray “Markaa dhagar qabayaashu weli way jiraan oo may dhiman”
Dr. Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud, oo ka mid ah ehelada dadka qaraxaasi ku dhaawacmay ayaa isaga oo ku sugan cisbitaalka Madina oo la geeyay dhaawacyadii qaraxaasi ku waxyeeloobay, ayaa dareenkiisa ka waramay.
Dr. Cabdiqaadir ayaa yidhi “Dadkaa (Dhaawacyada) xaalkoodu aad-buu u adag yahay, way gubteen dhammaantood dadkaasi, dhibaatada ay ka siman yihiinna waxa weeyaan Maqaarkii iyo timihii-baa dhammaantood ka dhacay”
Dr. Cabdiqaadir oo sheegay in markii qaraxu dhacay telefoon loogu soo sheegay in saddex ka mid ah ehelkiisu ku dhaawacmeen, ayaa isaga oo sii hadlaya sheegay “Dhaawacyada qaarkood jajab-bay qabaan”ayuu yidhi. Hasa-yeeshee waxa uu sheegay in aanay ahayn markii koowaad ee uu arko dad sidan oo kale u dhaawacmay, laakiin uu dhowr jeer oo hore arkay dad qarax ku dhamaaday.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday