Gudoomiyaha Togdheer Ee Xisbiga Waddani Oo Xadhiga Ka Jaray Xafiis Ay Iskood U Qalabaysteen Qaar Ka Mid Ah Odayaasha Iyo Dhalinyarada Beesha Abokor Axmed Ee Taageera Xisbigaasi

(SLT-Burco)Gudoomiyaha xisbiga Waddani ee Gobolka Togdheer, Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob)ayaa xadhiga ka jaray xafiis cusub oo qaar ka mid ah dhalinyarada iyo odayaasha ka soo jeeda degmooyinka Qoryaale Iyo Gaba-gabado ee gobolka Togdheer ay iskood u qalabaysteen isla markaana ay ugu shaqayn doonaan xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Dhalinyarada iyo odayaasha xafiiskan furay ayaa sheegay inay doorkooda ka qaadan doonaan sidii xisbiga Waddani uu ugu guulaysan lahaa hogaanka dalka.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Togdheer, Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa uga mahadnaqay odayaashii iyo dhalinyaradani cududooda ay la garab taagan xisbiga Waddani, waxaanu yidhi “Xafiiskan iyo gurigan ay iskood u furteen dhalinyarada iyo odayaasha beesha Abokor Axmed oo ku yaala suuqan Badar ayaa waxay yidhaahdeen gurigan waxaanu ku soo dhaweynaynaa xisbiga Waddani.

Boqolkiiba boqol ayaanu anaguna ka gudoonay, iyaga ayaa qalabaystay, iyaga ayaa hagaajistay, aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Togdheer Mr Doob.

Sidoo kale mid ka mid ah odayaashii Xafiiskaasi u furay xisbiga Waddani oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Aqalkani wuxuu u furan yahay xisbiga, waanu ku soo dhaweynaynaa wax alla iyo wixii noogu imanaya ee Waddani-ya wuu u furan yahay, marka lagu leeyahay reer Hebel wuu furay uun, laakiin cid kasta way imanaysaa oo waa Waddani” ayuu yidhi Mid ka mid ah odayaashii iyagu iskood u furay xafiiskaasi xisbiga Waddani.

Somalilndtoday/Burco/Office.