Beenaale Markhaatigiisu Fogeeyaaye Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo Waa Midi Wax Qabadka. By: Axmed Naasir

Sida ay diinteenu ina farayso beentu way shay xaaraan ah oo aan ka suuroobin qof muslin ah. Hadaba iyada oo ay sidaa tahay muskhilada iyo dhibaatooyinka ay beentu leedahay maaha wax aan halkan kusoo koobi karo balse hadii aan isku dayo in aan yara falanqeeyo qodob aan isleeyahay waa ka ugu muhiimsan ayaa “kalsoonida”.

33333333333

Kalsoonidu waa furaha guusha iyo badhaadha , waa muftaaxa aad ku furi kartid albaab kasta oo xidhan, waa hubka aad kula dagaalami kartid cadawgaaga iyo cid kasta oo kaa hortimaada , waa haybad iyo karti aad qayrkaa iyo inta  kula midka ahba aad ku dhaafi kartid.

Qofba qofka uu ka kalsooni badan yahay wuu ka horumarsan yahay dhinacyada aqoonta, maskaxda iyo dadaalkaba waayo wuxu aaminay jiritaankiisa qof ahaaneed.

Waxa la isla qirsan yahay in qofba qofkuu ka kalsoonida badan yahay inuu ka been yaryahay dadka kale.

Hadaba maadaama oo ay isku xidhan tahay ama ay tahay waxyaalo xidhiidh dhow leh kalsoonida nafta iyo horumarka qof ahaaneed iyana waxan shaki ku jirin in umadaha horumaray in ay ka been yaryihiin kana kalsooni iyo is-aaminaad badan yihiin dunida dib u dhacday.
waxa aan runtii marag madoon ah oo aan u baahnay in been laga sheego ama ‘lagu cel-celiyo beenta si ay u dagto qalbiyada dadka una qaataan marka dambe’ sida ay sheegaan qolayaha filasoofariska ah horumarka balaadhan ee ay samaysay xukuumadeenan talada dalka haysaa.

Igama ah buun-buunin iyo weynayn waxqabdka la taaban  karo ee ay dalka ka fulisay xukuumadeenu.

Balse waxa ay tahay waajibna inagu ah ka shacbi ahaan in aynu uga mahadnaqno sida ay diinteenu ina farayso , markasta oo qofku wanaag iyo samo fal kuu sameeyo waa in aad u mahad naqdaa.

Bal ka waran xukuumad intaas oo samo-fal iyo wanaag ah oo dadkeedii iyo dalkeediina u samayso maxay inaga mudan tahay?

Jawaabta waxa aan u daynaa shacbi waynaha reer Somaliland , balse aragtidayda waxa aamisanahay in aynu hiil iyo hooba la daba taagnaano si wadankeeni uu noqdo mid ka dhisan dhinac walba haday tahay.

Wa bilaahi tawfiiq

Qore: ahmed naasir
ahmed.naasiir@gmail.com