Beelweynta Muuse Ismaacil GADHWEYN Oo Taageeray Waxqabadka Madaxweyne Silaanyo

(SLT-Ceerigaabo)-Aqoonyahan cuqaal , wayeel ,iyo dhalinyaro katirsan beel weynta Muse Ismaciil Ee Gadhweyn ayay ku sheegen inay taageero hiil iyo hooba lagarab taagan yihiin xukuumada Madaxweyne Siilanyo Madaamaa oo bay Yidhaahdeen xukuumadani tustay waxqabad hagar la aana ah sidaadisana waxay beeshu ku sheegtay baaq kasoo baxay Shir Teleconfrence oo ay galeen jaliyada Beeshaasi ee ku dhaqan wadanka CANADA
Halka Ka Akhri Qoraalka Baaqa Beeshaasi
Beeshi waxay taageersan tahay oo hiil iyo hooba la barbartaagan tahay xukumadda Madaxweyne siilaanyo Gaadhwedeenka ka yahay
Beeshu waxay xukumadda ku amaanaysa waxqabad ka iyo horumarka ay dalka ka hir gelisay intii ay xukumaddani Kulmiye Talada haysa Halka xisbiyada kale ay noqdeen kuwo hakad iyo carqalad gelinaya horusocodka dimuqraadiyada iyo horumarka dalka ,taasna waxa samaynaya xisbiyada mucaaradka oo u cuna duuban ashqaas gaara oo dantooda oo keliya karaba inay ku gaadhan siyaasada sida kucad xisbiga wadani oo carqaladayn joogta ah ku haya wadada ceerigaabo iyo burco udhaxaysa halkii laga sugayeye inuu gacan ka geysto horumarka dalka ,
Iyadoo inta badan uu ku sifoobay xisbi ashqaased daliilna utahay sida ina fadal marna isaga casilayo loogana aqbalayo, hadana dib loogu magacaabayo xilkiisi isla mudo bil gudaheeda ..taasina waxay muujinaysaa inuu yahay shaqsi leh xisbiga taladiisa.
Beeshu waxay kaloo baaq hamabalyaha u dirayaan beesha cabdale isxaaq ee uu gadhwadeenka kayahay SULDAAN XIIRAY kadib markay muujiyeen taageradooda welibana lacago aad ufara badan iskood ugu deeqeen wadada ceerigaabo.

Xil

Beeshu waxay garab taagan Tahay Xukumadda Madaxweyne Silaanyo waxanay diyaar utahay Ka shaqaynta Horumarka dalka sida Dhismaha Wadada Gobolka sanaag Iyo Waxkasto Horumar ahba

Ugu danbayntina waxay mahad u direen dhamaan jaaliyadaha debeda eek u hawlan sidii wadadasi udhamaan lahayd sida jaaliyada CANADA .U.K IWM