Beelaha Sacad Muuse Iyo Kursiga- Qalinka: Cali Cabdi Coomay

Taariikh ahaan beesha Sacad Muuse waa markii ugu horaysay ee ay fuusho kursiga dalka ugu sareeya ee madaxweynennimo, marka laga reebo muddo kooban oo uu madaxweyne noqday Xaaji Cumar Askar oo ahaa guddoomiyihii xisbigii SNL horraantii sannadkii 1960. Beeshu waxa ay caan ku ahayd ganacsiga iyo aqoonta, hasayeeshee siyaasad lagu gaadho kurisga dalka ugu sareeya hammigeenu muu gelin maanta ka horow. Wixii ka dambeeyey markii la galay doorashooyinkii shacabku ay codkooda dhiibanayeen waxa ay beeshu hal mar u jihaystay inay qayb weyn ka noqoto dawladaha ay codkooda siiyaan.


Waxa ay dawladihii Riyaale iyo Siillaanyo ka heleen xilal badan iyo shaqaalaysiin badan, taasin waxa ay dhadhansiisay nimcada dawladnnimada. Beeshu waxa ay haatan fuushay kursigii dalka ugu sareeyey, waxa aanay waayi doontaa xilalkii badnaa iyo shaqaalaysiintii ay hore uga barteen dawladihii hore ee ay ku harowsan jireen codka iyo cududa dhaqaale. Taasina waxa ay beesha ku keeni doontaa u qaadan waa iyo fajac. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka helimaayaan wixii ay uga barteen madaxweynahyaashii hore iyo wax u dhawayn toona, oo ummadda kale ayuu xooga saari doonaa. kursigu wuxuu wataa dhibaato bulsho oo badan oo inta badan aflagaado badan. saacadaa laga bilaabo waxa ay beeshu la wareegi doontaa cayda, canaanta, ceebaynta iyo cirgoynta uu kursigu leeyahay.
Wakhtigii uu xilka la wareegayey madaxweyne Siillaanyo, xafladii xil-wareejinta ayuu dadkii ka dhexkacay mid ka mid ah hogaanka dhaqanka ee Boorama, waxaanu si cad u yidhi hadal kaftan iyo murti xambaarsan oo u dhignaa sidan” Isaaqow laba ogaada, kow horta kursigii waanagaa wareejinay, laba caydiina waanu wareejinay, ee cayda ha u dulqaataan beesha kursiga fuushay”, sidaasi oo kale Sacad Muuse ha u dulqaato cayda iyo canaanta kursigu leeyahay. Sida la rajaynayo ee ay sheegayaan dadka aqoonta u leh Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, maaha nin soo dhawaysta dadka ay qaraabada yihiin, hasayeeshee la arki doonaa siday wax noqdaan.
Maxamed Siyaad Barre ayey Isaaqu nafta ugu keeneen sababta uu wasiirka arrimaha dibada ugu magacaabay C/raxmaan Jaamac Barre oo ay ilmaadeer ahaayeen inay qabyaalad tahay, dabadeed isaga oo ku dhex jira booqasho uu jooga Sucuudi ayey isku xeereen reer C/casiis. Intuu yaabay ayuu yidhi” iimaanaka laga qaad waxa ay igu haystaan taagow Bulbuluq bal may arkaan reerkan kursiga isku dhal-dhalay”.
Siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda beesha Sacad Muuse ayaa ka soo horjeesan doonta xukuumadda Muuse Biixi, markay ka waayaan wixii ay uga barteen dawladihii hore. Janaraal Caydiid markii uu ku dhawaaqay dawladiisii salballaadh, waxa laga soo xigtay haku dhig u dhignaa sidan” Maxamed Siyaad, waxaad ku beddeshaa Caydiid, Mareexaana waxaad ku beddeshaa Habar gidar, Jaalle waxaad ku beddeshaa Daane iyo iimaanka la idinka qaadna waxaad ku beddeshaan soo-biirsi. Caydiid waxa lagu yaqaanay nin ay ku weyn tahay habar gidarnnimadu. Markaa qof kasta wixii markii hore ku weynaa ayuu meel kasta la tagaa. Beesha Sacad Muuse intooda badani waxa ay aaminsanayd inay tahay doorkoodii ay kursiga dalka ugu sareeya qaban lahaayeen, ee ay xaqa u lahaayeen, maadaama oo beelaha kale intood badan kursiga soo fuuleen.
Waana ta keentay inay hal-daba-la ugu codeeyeen doorashada dhawaanta dhacday.
2003 wakhtigii ay xukuumadii Daahir Riyaale Kaahin culayska badan kala kulmaysay ayuu Sh. Muuse Jaamac Goodaad AHN yidhi” waar Isaaqow ileyn markii aad qaaxo joogteen ayaad dawladnnimada qaybsateen oo aad kursiga madaxtinimo beel beel ugu qori tuurateen, dee markaa show wuxuu Daahir Riyaale ku soo beegmay iyada oo ay kursiga doorkan u leeyihiin Habar Jeclo. Ileyn waad aragtaan culayska meesha yaalle, nimankii Habar jeclo waa kuwan hadhsan waayey. Shirkii Boorama haddii aad noo sheegi lahaydeen si uun baanu ula tacaali lahayne, loomamaydaan sheegin. Markaa saaxiibayaal naga raali ahaada si deg-deg ah ayaanu idiinka soo kacaynaaye”

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com