Baro-Bixinta Ay Ereyada Qalaad Ku Hayaan Af-Soomaaliga(WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)

Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuwa dib-u-dhacu ku socdo. Ereyo badan oo asalkoodu Soomaali ahaa ayaa meesha ka baxay ama ka sii baxaya kadib markii lagu doorsaday ereyo qalaad oo dhiggooda ah.

Afafku way kala ergistaan ereyada qaarkood laakiin waa marka afkaasi u baahdo in uu soo amaahdo erey laga waayay afkiisa. Af-Soomaaliga waxaa ka buuxa ereyo lagaga maarmi karo ergisashada af qalaad.  Wakhti oo Carabi ah wuxuu Soomaaligu u leeyahay ammin, xilli, iyo kansho. Sidoo kale ereyga jaar oo isna Carabi ah Soomaaligu wuxuu u leeyahay deris, olog iyo ood-wadaag. Waxa jira ereyo badan oo arrimo kala duwan loo adeegsan karo asalkooduna Soomaali yahay laakiin aynu u soo amaahano ereyo la mid ah oo aan baahi loo qabin.

Laba meelood oo Af-Soomaaligu dhaawac ka qabo ayaa keentay in UNESCO ku darto liiska afafka yeeshay astaamihii dhimashada. Midi waa xasillooni-darrada qoraalka oo wali qabyo ku ah halkii ay dhigeen guddiyadii kala dambeeyay ee qoraalka Soomaaligu. Ta labaadna waa ku-hadalka oo weerar xoogani kaga socdo afaf kale oo ka awood iyo dhaqaalae badan, gaar ahaan Carabi iyo Ingiriisi. Taasi waxay keentay in tarankiisu yaraado erayo badanina ay dhintaan.

Ma diidani in ereyada qalaad marka baahi loo qabo la soo ergisto, laakiin dhibaato weyn ayay afka ku keenaysaa in iyada oo aan baahi loo qabin qurux loo arko ergisashada ereyada qalaad, waxayna keenaysaa in ereyo qalaad ay meesha ka saaraan kuwii asalkoodu Soomaaliga ahaa. Waxaan jecelahay in aan halkan ku soo bandhigo tusaaleyaal kooban oo inna tusaya ereyo qalaad oo baro-bixiyey ama meesha ka sii saaraya kuwo Soomaali ah.

Soomaali

Af qalaad

Weydiin

Su’aal

Warcelin

Jawaab

Caabuq

Infakshan

Miyir-beel

Koomo

Dadwayne

Shacab

Sooyaal

Taariikh

Gegida diyaaradaha

Eeriboodh

Ammin, xilli, kansho

Wakhti

Toddobaad

Wiig

Deris, ood-wadaag, olog

Jaar

Buuni

Caalim

Ilaaliye

Waashmaan

Googo’

Sarif, sirsir

Sinnaan

Caddaalad

Shisheeye

Ajaanib

Abxad

Sanduuq

Fandhaal

Mulqaacad

Oddoros

Qiyaas

Hadhimo

Qado

Afur

Quraac

Hoobal

Fannaan

Jaad

Nooc

Dhabcaal

Bakhayl

Garasho, kasmo

Fahmo

Cusbo

Milix

Fuud

Maraq

Rabrab

Sariir

Kolay

Kabadh

Garsoor

Maxkamad

Warbaahin

Saxaafad

Saxan

Xeedho

Baroordiiq

Tacsi

Bogaadin

Hambalyo

Hodan

Taajir

Garaad

Caqli

Wadne

Qalbi

Bariido

Salaan

Gu’

Sannad

Suudal (dhuyaal)

Tahriib

Arooryo

Subax

Fool

Waji

Hadh-soo-kor

Duhur

Af

Luuqad

Bare

Macalim

Adeegsi

Isticmaal

Durraansi

Duco

Waddo

Dariiq

Xaajo

Arrin

Xigaal

Ehel

Cudhaadh, Qabay

Rahmaad

Ciidan

Shaqaale

Socdaal

Safar

Aayo

Mustaqbal

Kor-tag

Suuli

Rubad

Naf

Dux

Nafaqo

Dabayl

Hawo

Cir

Samo

Hagarbay, Agabare

Xaqul-qalin

Isu-soo-bax

Mudaharaad

Uskag

Wasakh

 Waxa qoray: Abwaan Yuusuf-Shaacir

shaacir12@gmail.com