Baraawe: Al-shabaab Oo Qoorta Ka Jartay Lixdan Jir Soo Dhaweeyay Ciidamada AMISOM & Cabsida Dadweynaha

(SLT-Baraawe) – Dagaalyahannada Al-shabaab ee laga qabsaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose, ayaa lagu eedeeyay inay garowraceen odey lix jir ahaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Al-shabaab oo habeenkii gudaha u gala Magaalada Baraawe oo ay go’doomiyeen isla-markaana ay fadhiisimo ka sameysteen hareeraheeda, ayaa la sheegay inay odey lix jir ah garowraceen, ka dib markii ay ka cadhoodeen sida uu Magaaladaasi ugu soo dhaweeyay ciidamada AMISOM iyo kuwo Soomaaliya ee Al-shabaab ka qabsaday.

ba

Dadka Degmada ayaa sheegay in Odaygaasi ujeeddada ay Al-shabaab Qoorta uga jareen ay tahay ka dib markii uu hadal ka jeediyay Munaasabad ka dhacaday Baraawe oo Masuuliyiinta Dowladda ay Dadka kula hadleen, isagoo sheegay in uu soo dhaweenayo Nidaamka Dowladdnimo.
Dhanka kale, Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-shabaab xiliyada Qaarkood ay weerar ku qaadaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Fadhiisimahooda ee Degmadaasi. Taasi oo cabsi ku abuurey ciidamada Ajaanibka ah ee deegaannadaasi kula dagaalamaya.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday