BAHALKAA DIBNAHA WEYNLEH EE LABADA DAANBUURAN EEN DUREY IYO DUREY FICILO DAARAYNIN HADDII KIISA KALE DHURWAA DOCADOCAYNAAYO UMA DIGIGIXDEE OROD BUU DURDURIYAAYE .

Hadaba haddii aan arinkan isaga ah miisaanka iyo maankeena ku eegno ama ku cabiro labada daanbuuran had iyo jeeraale waxaad ka dheehan kartaa wax aan wanaagsanayn ama aan fiicnayn taas oo aan odhan karno ama rayiga saliimka ahi ina tusmayn karo in labadaas daan buuran iyo labadaa dibnood waxaa isku wada buuran aanay ku jirin wax nuxur dhadhan macaan samaynkaraa ama aan odhan karnaaba firfircoonaanina way ka maqan tahay.

Sidaa awgeed inagoo ka duulayna taariikhdii adkayd ee

dalka soomaaliland iyo umadda ku nooliba ay soo mareen oo ahaa mid aad iyo aad amuurihiisa hagardaamo iyo ku tacadiba ay u badnaayeen laguna dhamayn karin wixii halkaa ka soo dhacay xaashi iyo qalin laysu qaato ama maalmo iyo bilo amaba sanado aan odhan karno kaas oo aan anigu xagayga ahaan u aqaan dabar gooyntii axmaqnimada .

images

Laakiinse aad moodo Shacabkii Arimaha kor ku xusan soomaray qaarkood inay yihiin kuwo daloola ama maangabninomo deris u noqotay.

Sidaa awgeed kuwaas iyaga ah buu tusaale u yahay maqaalkan ciwaankiisu.

Aniga oo aan sidaa ugu sii fogaanaynin baa waxaan doorbiday ama maskaxdayda gaabani ii tilmaantay inaan ku toosiyo damanaha aan dal wadaagno .

Haddii aan intaa hoos uga yard ego, waxaa xusuus mudan markasta kuwii suuro geliyey inuu dalkani sumcadiisii dib ula soo noqdo 1991 Waxaan markasta iyo goobkasta uga duceeyaa kuwii u soo dhintay dalkan isaga ah iyo kuwii u soo naafoobeyba waxaana baryayaa illaah inuu janadii fardowsa ugu bushaareeyo dhamaantood aaaamiiiin.

Waxaan kaloo odhan lahaa saaxibayaasha meekasta muranka iyo ku jiqsiida la taaganoow saaxibayaal waxaa fiican inaa dadkiina dhinac karaacdaan waxana la qaybsataan iskana deysaan oo ka fogaataan wax kasta oo dalkan lid ku ah kana soo horjeeda dedaalka iyo humarka uu higsanayo waxa aad ku luminaysaan xumaanta waxaa ka haboon inaa dhanka wanaagsan u adeegsataan.

Runtu waxay tahay xiligan aan ku jiro inuu dalkeenu marayo meel aanu hore weligii u gaadhin taas oo isugu xidhan sida loolka, taas oo ka ifaysa dhankasta oo aad eegtoba afarta jahoba waana wax ilaahay loogu mahadceliyaa anigoo rajeynaya inuu eebe inaga dhigo kuwii ku xamdi naqa taas oo ah mid waajib inagu ah dhamaan teen.

Ugu danbayntii ku la wareegaya dalka waxaa ka dhacay cadaalad daro iyo wixii lamidahoow malaha waxaa haboon inaa dadka qurba jooga ee aan dalka arag arinkan u sheegtaan waayo ka dalka gudihiisa kuwa joogaa idinka yeeli maayo, iyadoo ay ku haboon tahay sideedaba sharciguna u musaamaxayo qofka mucaarad noqonaya inuu mucaaradkiisu noqdo mid cilmi iyo caqli is kaashaday laga shaqaysoiiyey oo shacabku u soo joogsan karo laakiin sidaa hada wax ku wadaan waa mid idinka shacabku debed iyo gudaba inkaga fogaanayo (WAANA Bahalkaa LABADA DAAN BUURAN)

Ugu danbayntii waxaan leeyahay soomaaliland guul iyo gobanimo waarta

Gudoomiyaha Xusbiga kulmiye ee Dalka holland mr Xasancade