Baarlamaanka UK Oo U Codeeyay Aqoonsiga falastiin

(SLT-London)-Xubnaha Barlamaanka Britain ayaa si aqlabiyad ah waxay ugu codeyeen baaq ku aadanaa in xukuumada Britain ay aqoonsato Falastiin in ay noqoto dowlad.

Wasiirada dowladda ayaa ka gaabsaday in ay codkooda ka dhiibtaan mooshinka.

 

 

141013231218_british_parliament_palestine_vote_624x351__nocredit

Hasayeshe natiijada ma aha mid wax ka badelaysa siyaasada Britain ee ku aadan aqoonsiga Falastiin, laakinse waa un astaan.

274 xildhibaan ayaa u codeyey mooshinka, halka 12 kalena ay diideen .

Weriyaha BBC-da ee arrimaha Britain ayaa sheegaya in natiijada ka soo baxday mooshinka ay ka turjumayso aragtida laga qabo Israa’il ee inta badan shacabka Yurub ay ka qabaan, arrintaas oo sii xoogeysatay horaantii sanadkan kaddib markii Israa’il ay weerar ku qaaday Qaza.

2012-kii Gollaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobe ayaa u codeeyey in uu sara u qaado heerka Falastiin ee Qaramada Midoobe waxaana loo ogolaaday in ay noqoto korjeego aanan xubin ka ahayn Qaramada Midoobe.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com