Baarlamaanka Somalia Oo La Filayo Inay Mooshin Ka Keenaan Xukuumadda Farmaajo iyo Dalal Carbeed Oo Dabada Ka Riixaya

Warbaahinta Gudaha Somalia Oo Sheegtay In Dalalka Sucuudigu Hogaaminayaa Qayb Ka Yihiin Mooshinkan

Muqdisho (Somalilandtoday)-Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inay mooshin ka keenaan xukuumadda mudada kooban jirtay ee uu raysal wasaaraha ka yahay Xasan Khayrre.

Xildhibaanada mooshinkan wada ayaa tiro ahaan lagu qiyaasay 100 xildhibaan inkastoo aan tiradooda la xaqiijin, isla markaana aan si rasmi ah mooshinka loogu dhawaaqin, hadana waxaa la filayaa inuu noqdo mid miisaan ahaan ka culus mooshinadi hore.

 

Geesta kale warbaahinta gudaha ee dalka Somalia ayaa baahisay in mooshinkan ay dabada ka riixayaan dalalka carabta ee Sucuudigi hogaaminayo, waxaana sidoo kale ku wehelinaya Imaaraadka Carabta, iyadoo muhiimadda ugu wayn ay saarayaan sidii ay xukuumadda Somalia ula mawqof noqon lahayd dalalka huwanta carbeed, maadaama ay diyaaradihii Qatar ay isticmaalayaan hawada Somalia, taasoo hoos u dhigtay saamayntii ay cunaqabatayntu ku yeelan lahayd dhaq-dhaqaaqa dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee Qatar.