Baaq Ku Socda Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland By Gudomiyaha Xisbiga Ucid ee Wales Uk

Ku: Baaq ku socoda wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Golaha Guurtida Anigoo ah guddoomiyaha Xisbigga daryeelka Iyo cadalaadda Ucid ee Gobolka Wales,UK. Waxaan xukuumaddeena xilkeedii sii dhaamanayo ugu baaqayaa inay ka hor tagto joojiso, Is Caleemo-saarida Caaqilada-Suldanada micno darrada ah ee xadhkaha Iyo dabarka goostay.

Aanay jirin wax baahii loo qabo lagu keenay sifooyiinkii dhaqmeed xurmadda xulida tayada lahaa ee soo jireenka ahaa. Reerahii Beelahii ku keenay abuuray kala fogeyn kala qoo-qob. Nin kastoo haysta dhawr kun Oo dollar mid qurbe loo jooga iyo mid dalkii jooga shaqo Ka dhigtay Caaqilnimo-Suldanimo’ aanu Ab’ Iyo Isir toona u lahayn.

Hantida qaranka taladii qaranka, midnimadii Beelaha hayaankii geedi socodkii dimoqraadiyadda sharciga ku yihiin carqalad horleh

Xukuumaddahii kala dambeeyey gaar ahaan Udub Iyo Kulmiye Oo falalkaas ficiladaas umadda shacabka ku eegay daawaday, siyaasadeed fool xun darteed. Ama’se Ka tahay go’aan qaadasho la’aan awood sharci fulin la’aan baahday.
Arrintani waa Aafo qaran Oo kale la mid ah Sixir baraarka dalka aafeeyey. Salaadiinti horree magaca karaamada Iyo mamuuska lahaa la wiqay dhaqan ahaan.

Haddi aan tusaale usoo qaadto beesha reerka aan kasoo jeedo Adan Madoobe waxaa soo food saaray khilaaf ba’aan dhowr nin Oo wada doonayaa Suldanimo, Caaqilo odeyaal Iyo dhallinyaroba leh beeshii kala irdeeyey aqoonyahanadii haldoorkii kala fogeeyey dabcan annagoo taas kala mid ah dhammaan reeraha-Beelaha Somaliland.

Inta Xukuumad adag sharciga ilaalisa awood u leh imanayso la dooranayo gebi ahaan xukuumadda Talada Haysa waxaan leenahay Hadii aanay Qorshayaashan Siyaasad Ka lahayn Oo la eegayo Danta iyo Maslaxada Beelaha Reer Somaliland yaanay ogolan caleemo-Saar Caaqil ama Suldan micno darro ah.

W/Q Gudomiyaha Xisbiga Ucid ee Wales Uk