Baanka Somaliland Oo Sheegay In Qofka Diida Qaadashada Qayb Ka Mid Ah Lacagta Uu Ciqaab Ku Muteysan Doono

(SLT-Hargeysa) – Baanka Somaliland ayaa sheegay in ay dambi tahay in la diido qaybo ka mid h lacagta Somaliland isla markana lagu mutaysan doono ciqaab, sidaana saxaafadda u sheegy Guddoomiyaha Baanka Somaliland, Cabdi Dirir Cabdi.
Waxa kale oo uu sheegay in ay ogsoon yihiin xilliga ay suuqa galinayan lacagta Dollarka ah isla markaana ay toos ul socdaan mar kasta qiimaha uu marayo sarifka lacagaha qalaad ee suuqyada waddanka Somaliland “Baanka Somaliland wuu yaqaana xilliga uu lacagta Dollarka ah suuqyada galinayo ee looga baahan yahay waanu la socdaa mar kasta qiimaha uu marayo sarifka lacagaha qalaad, laakiin hadal nin iska yidhi suuqyada lacag looma galiyo.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi
Waxaa kale, oo uu a hadlay isla markaana uu jawaab ka bixiyay Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi warar sheegayay in ay diideen qaadashada noodhka boqolka Shilin iyo shanta boqol ee shillinka Somaliland.

index
“Ma jirto noodh ka mid ah shillinka Somaliland oo uu baanku diiday waxaana maalin kasta Baanka la keenaa oo lagu soo xareeyaa guud ahaan noodhadhka shilinka Somaliland oo nooc kastaba leh waana dambi qaran oo sharci ayaa qabanaya qofka diida qayb ka mid ah lacagta Shillinka Somaliland.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday