“Axsaabtii Waa Isku Jiq Oo Wixii Lagu Heshiiyey Cid Fulisa Ayaa La La’yahay” DAAWO Sheekh Aaden Siiro

(SLT-Hargeysa) – Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland ayaa ku taliyey in xal laga gaadho khilaafka ka taagan jaamacadda Hargeysa iyo weliba ismaandhaafka siyaasadeed ee xisbiyada Mucaaradka ah iyo xukuumadda.

Warka 1-aad

Sheekh Aaden Siiro oo khubaddii Jimcaha ee maanta ku soo qaatey arrimo badan oo ay labadaa qodob ka mid yihiin, waxaanu sheegay inay arrimahaasi oo dhami dalka uga dhacayaan go’aan qaadashada madaxda oo liidata.