Musharax Kale Oo Isku Soo Taagey Doorashada GOLAHA WAKIILADA Ee Somaliland

(SLT-Hargeysa) – Axmed Cabdiraxmaan Cali, oo ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland, ayaa caddeeyay inuu musharax u yahay doorashada Golaha Wakiilada, isla-markaana uu meteli doono beeshiisa (Aadan Madoobe). Waxaanu sheegay inuu ka sharaxan yahay xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE.

Musharax Axmed, ayaa sidaa ku sheegayy mar uu maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa oo uu ku soo bandhigay musharaxnimadiisa iyo xisbiga uu ka tartami doono oo ah KULMIYE,waxaanu warbaahinta u soo bandhigay CV-giisa.

Musharaxu, waxa uu sheegay inuu kalsooni badan ka haysto dadka deegaankiisa guddo iyo dibadba, sidaa daraadeedna uu Musharax u yahay doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ee Mustaqbalka.

Axmed Cabdiraxmaan Cali

Musharaxa, ayaa sidoo kale sheegay inuu ka mid yahay raggii ku soo tabcay xisbiga KULMIYE, sidaa daraadeedna uu hadda diyaar u yahay inuu uga tartamo doorashada Golaha wakiilada ee la filayo inay sanadka soo socda dalka ka dhacdo.

Somalilandtoday.com/Hargeysa Office

Contact@Somalilandtoday.com