Axeey Dayaca Hooyo,By Abwaan mubaarak Abdirahmaan gaani (Abwaan gaani)

Waxay ahayd galab wakhti ay ku beegnayd abaaro  4:00 iyo dheeraad, taariikhduna ahayd 09/10/2014

Markaan galay shebekada bulshado ku wada xidhiidho ee facebook.

10610825_958398454176224_1681734622585537762_n

Waxaan ku arkay sawir naxdinleh, murugu i geliyey, damiirkaygu gil-gilmay,

Qofkasta oo hooyo leh, ama dareenka hooyo ku weyn-yahayna, aanu ilmada xejisteen,

Waa hooyo dhexda u xidhatay kuulinimo, kuna biilinaysa ubadkeeda, waa maamo way da`weyntay shaqadaa adag ayey faraha ula gashay ubadkeda, markaas ayaaan tixdan curiyey la yidhahdo AXEEY DAYACA HOOYO

 

1-Axeey dulmiga baahay

2-Axeey dalkeenna haysta

3-Axeey dumiyey qoyska

4-Axeey dayacay hooyo

5-Axeey ubadka daalan

6-Axeey dab-saarin oonta

7-Axeey diilalyada xanuunka

8-Dareenka gubaaya eega

9-Dareenkiyo oonka hooyo

10-Dubaaqdiyo ciilka oogan

11-Dusheeda hilqaa ka muuqda

12-Duruufta xanuunka

keentay

13-Dalkeeda kuwii u dhaartay

14-Kuwii dumadooda saaray

15-Miyey dulmigaa galeen

16-Hooyada daallan eega

17-Dadaalkiyo hawlaheeda

18-Boqoolkiyo daalka jiidan

19-Dusheeda xamaalka saran

20-Dareemin jidhkeedu xooga

21-Dalkeeda kuwii u dhaartay

22-Kuwii dumadooda saaray

23-Miyey dulmigaa galeen

24-Jidhkeeda daciifay eega

25-Dubaaxinta daayey eega

26-Daryeel-xumadeeda eega

27-Duruufta ku-xeeran eega

28-Dubaaqda hol-caysa eega

29-Dalkeeda kuwii u dhaartay

30-Kuwii dumadooda saaray

31-Miyey dulmigaa galeen

32-Diiftiyo umalka eega

33-Darxumada hooyo eega

34-Ilmada da`aysa eega

35-Ilkaha dibinta goostay

36-Dusheeda mililka saran

37-Dareenka dhayaaya eega

38-Dalkeeda kuwii u dhaartay

39-Kuwii dumadooda saaray

40-Miyey dulmigaa galeen

By Abwaan mubaarak  Abdirahmaan gaani (Abwaan gaani)

Email; drgaani1@gmail.com

Hargaysa Somaliland