AWDAL: Qoys Xoollo Dhaqato Ahaa Oo Ku Caydhoobay 24 Saacadood Gudahood

(SLT-Baki) – Qoys ka mid ah Dadka Xoollo dhaqatada ah ee ku dhaqan Deegaamada hoos yimaadda Degmada Baki, ayaa lagu soo waramay in afar iyo labaatan saacaddood gudahood kaga bakhtiyeen guud ahaan adhigii ay dhaqanayeen.
Qoyska ayaa waxa habeen hore xero kaga wada bakhtiyay ku dhawaad laba tiro badh adhi ah, sida uu sheegay Maayir ku-xigeenka Degmada Baki oo booqday deegaanka Masiibadani ka dhacday.
Maayir ku xigeenka Degmada Baki Dayib Xasan Raage oo shalay u waramay Tooshnews.net, ayaa waxa uu sheegay in qoyskan ay ku dhacday masiibo aan hore loo arag. “Waxa aan ku suganahay Degmada Baki Tuulo yar oo hoos timaada ,waxa ka dhacay xalay qoys xoolo dhaqato ah oo xalay Adhigu u soo hoyday saaka markii uu dareerayay daatay ,waxa uu adhigu ahaa 300 oo neef, adhigaas saaka markuu dareeray ayuunbuu daatay, waxa hada ka nool in ka yar 50 neef oo waliba kolba neef dhacayo oo bakhtiyayo”ayuu yidhi.

bki
Waxa uu sheegay inaan ilaa hada la aqoosan sababta keentay dhimashada “lama garanayo waxani waxa ay yihiin iyo inay qoyskan uu ku koobantahay iyo inay deegaanka oo dhan ka jirto”ayuu yidhi Maayir ku-xigeenku. “ waxaanu la xidhiidhnay Wasaaradda Xannaaanada Xoolaha, ilaa hadana wax gurmad ah kama hayno” ayuu sii raaciyay.
Waxa uu caddeeyay inay tahay dhacdo ku cusub Gobolka, waxaanu tilmaamay in qoyskii masiibadu ku dhacday laga raray goobta uu degenaa ee Maalku kaga dhintay, lana geeyay tuulo u dhow halkaasi.
Wax war ah kamay soo saarin dhacdadan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland iyo Maamulka gobolka Awdal toona, ilaa hada inta laga ogyahay, wallow ay saraakiisha deegaanku sheegeen inay wasaaraddu u sheegtay in Khubaro caafimaadka xoolaha ku shaqo leh u soo dirayso si baadhitaan ay u sameeyaan.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday