Askari La Keeni Lahaa Soomaaliya Oo Laga Helay Obela

(SLT-Muqdisho) – Askari reer Sierra Leone oo ka mid ah guuto ciidan oo heegan ugu jiray in Soomaaliya loo soo diro ayaa lagu soo waramaaya in laga helay cudurka dilaaga ee Ebola.

Saraakiisha Milateriga ayaa sheegay in askarigaas uu ka tirsanaa 800-askari oo la qorsheynayay in dhowaan loo soo diro Soomaaliya si ay uga mid noqdaan Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.

Askariga ayaa la dhigay cisbitaal, waxaana ay Dowladda Sierra Leone sheegtay in dhamaan askarta la karantiilayo. Ciidamada Sierra Leone ayaa kamid ah howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Ebola

Cudurka Ebola oo markiisii hore ka dilaacay wadamada Galbeedka Afrika ayaa hadda kusii fidaya wadamo badan oo ku yaalla caalamka, ilaa iyo haddana waxa u dhintay inka badan 4,000-qof.