Arrinta Ku Saabsan Saldhiga Miltary Ee Berbera Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Wakiilka Somaliland Ee Imaraadka Midkee Been Sheegaaya…??

(SLT-Hargaysa)Arintan Saldhiga Berbera ee ciidamada Xulifada Sunniyiinta ee Sucuudigu hogaaminayo ee Berbera laga samaynayaa arin qoto dheer weeyaan oo la kala saxeexday oon dib looga noqonayn wuxuuna ka mid yahay arimo Military oo mandaqadda dawladaha Muslimka khuseeya, wuxuu ka soo bilaabmay dhaqdhaqaaqan military Dagaalkii Sadam Xusein lagu dumiyey ee isbedelka weyn dhulka Carabta ku keenay markii Reer galbeedku jebiyeen dawladdii Sadaam u dambeeyey ee Ciraaq weligood ka talin jiray iyadoo shacabku u badan yihiin shiciyiin haba ka daciifsanadaan Sunniga Ciraaqe. Reer Galbeedkii Xukunkii Ciraaq wuxuu ku wareejiyey Shiicadii, dabadeed waxaa bilawmay in wadamada Sunnigu Xukumo oo dhan la yidhi Shiicadu ha la wareegto, Markaa arinkan Saldhigga.

Berbera waa (long military plan) ku lug leh dagaalka weyn ee ka dhexeeya shiciiyiinta rabta in xukunoodhan ay Sunniga Carbeed kala wareegaan , beledaa aan inoo dhoweyn Siilaanyo iyo bilantiisaa inoo soo horkacay, hungurigii wax ka weyn la mariyaa wuu dilaacaa.

Markii arintan Safiirka Cawil Morgan wax laga weydiiyey isagoo aad uga cadhaysan wareysigii uu Sacad Cali Shire bixiyey iyo Muse Biixi oo daaha ugu jiray Wasiirka ayuu wuxuu ku sigtay inuu yidhaa Muse wax kama bedeli karo Sadhigga waayo anagaa madaxweyne ka dhignay Muse, hadalkaasi dibnihiisa wuu soo gaadhay laakiin wuu is qabtay oo wuxuu ku bedelay waa xukuumaddii aanu soo dhisnay oo wax kama bedeli karo arinta Saldhigga. Muse Biixi Wuu ka nedelikaraa yoo qudha hadduu burjigii Nakrooma, Mandela iyo Jamaal Cabdi Naasir oo kale leeyahay , welina ma waxba kama sheegi karno.

MUSE BIIXI shalay wuxuu wasiiradiisa ugu khudbadaynayey waa inaynaan noqon ku is buriyah oo arin walba midba wax meel u jeediyo sidii xukuumaddii aynu bedelay maantaba markiiba wasiir kii Kharajiga iyo Safiirkii awoodda badnaa shalay midna waa la hakiyey Saldhigii buu si cad u yidhi midna wax saldhigaa laga bedeli karaa ma jiro ayuu qotomiyey.
Waxaa tan barbartaal nimankii shiicada ahaa ee Xuutiyiinta ee saldhigan loo samaysanayey oo iyagu u diyaara haddii tallaabo hore loo qaado xagga Saldhiga gantaalohooda soo ganaya digniintiina soo horaysiiyey.
Waxaa kaloo barbartaal hawada oo uu maamulkeedii la wareegay Farmaajo oo iyana xiisad Cusub ah.

Arrintan kala hadalka Baashe Cawil iyo Sacad Cali Shire iyo midii Badhasaabka Burco iyo isuduwaha caafimaadka Togdheer Telefeeshinada isu marinayeen ayaa la odhan kara waxba ismay badalin xaggii kala hadalka iyo is barbar yaacii looga bartay Xukuumadii ka horaysay ee Siilaanyo .

M Bashe (Meerkat)
qoranebashe@gmail.com