ARINKU WAA SIDEE SOMALILANDEROW!!!

Mar walba anigu shaqsi ahaan waxaan jecelahay in uu dalkaygu iyo dadkiisuba noqdaan mid barwaaqo iyo horumarba gaadha, mid muwaadin walba helo cadaalad iyo nabadgelyo ,uu kaga faa’iideysto khayradka dalka, taasina sida aan u arko waa talaabada qudha ee horumarka iyo dhismaha dal loo siman yahay.Qofka somalilanderka ahi wuxuu ka mid yahay tiirarka wadanka uu ku dhisan yahay, qofna dalkani kama maarmo balse qofka isagu dalkiisa ka maarmaa ee hadimo iyo burbur u horseedaa akhiro iyo aduunba wuu ku qasaaraa sida taariikhda iyo dhacdooyinka noloshaba mar khaati ka noqdeen.Dadka qaar baa ku dooda weli dadku uma bislaan wadaniyada iyo dawladnimada, oo waxaynu nahay dad wali reer guuraa ah oo qabyaadii reernimo u soo rararey dhinaca siyaasada iyo dawladnimada.Balse anigu

 Farah Mj yy

waxaan qabaa in somalilanderku yihiin dad u bisil dawladnimada oo waligoodba aragti dheer lahaa ,taas waxa markhaati ka ah markii gumeystihii ingiriiska odayadii somalilanderka ahaa bada barbera dhexdeeda kaga saxeexeen heshiiskii saanta lagu kala qortey,Taasi markaa hadii mudo kudhow dhowr boqol oo sano heeraka garashada cilmiga dublamasiyada heerka ka joogeyn manta oo aqoontu tahay biyo yaashuban, heerka aqooneed ee muwaadiyiinta somalilanderku aad u Korey dadka waxbartayna tiradoodu kor u kacdey maha mid la aqbali karo in ay dad ku doodaan dawladnimada umey bislaan.

Dalkasta oo horumarey waxaa horumariyey waa dadaalka ,maskaxda ,muruqa iyo maalka ay u hureen dadkiisu. Mana jiro horumar ku dhasha riyo,caadifad, iyo caajis.

Arimaha aan aad ula yaabo, shaqsiyan waxaa ka mid ah:

1- Masuul xil qaran haya oo la lee yahay waxbuu is dabamariyey ama xadey, oo hadana la cadeyn Karin. Markaa kol hadii aan baadhis,cadeemaheedii, qaabkii, wakhtigii,cidii u fudeysay,midna aan la haynin oo aan la soo bandhigi karan, magaran waxa loo ceebay.

2- Ma fahmi karo waxaa hogaamiye, kasta oo dadkani doortaan,oo shaley intii aanu xilka qaban geesi,wadani, iyo amaanba lagu fooladeenayey,hadana markuu kursiga madaxtimo fadhiisto, uu u noqonayo qoys,reer,maxaa qaldamey.

3- Dawladnimadu ma aha shaqsi,reer,gobol,degmo,qoys, ee sidaan aminsanahay ama ay tahay waxaa

Wadarta(shaqsiyaad+qoysas+reero+degmooyin+gobolo)=Dawlanimo.Taasi waa astaanta wada jirka

Ee ALLE (SWT) inagu amray in aynaan kala tegin ee aynu wadajirno hadii aynu nahay dadka islaamka ah oo dhan.

4- Masuulka qaldama waxaa sharciga loo marin waayo magaran, ee miskiinka uun loo saran yahay,cadaaladu waa mida astaanta u ah iimaanka qofka iyo dhaqanka wanaagsan,.

5- Maye dadkii waxgaradka ahaa ,geesiyaasha ahaa, cadaalada u hiilin jirey, Culimadii ALLE (SWT) ka cabsan jirtey, waan tebayaa ,balse midhmidh waa muuqdaa .

6- Ayaadii ugu horeysey ee ALLE(SWT) uu Nebigeenii Maxamed(SCW) ku soo dejiyey waxay ahayd micno ahaan sidan:

AKHRI !(1.Wax ku akhri Nabiyow magaca Eebe ee abuuray (khaliqiga),) oo suratul Al-calaq ka mid ah. Taasi waxay marag u tahay heerka ALLE(SWT) u sharfey adamiga, ee uu wax u barey isagu(ALLE)

Cilmi kasta oo caalamka jira oo technology waa mid ALLE (SWT) uu ina baray.sayntiskasta oo cilmi sayniska wax cusub ku soo kordhiya waxaa la og yahay in uu daahfurey uun ee cilmiga aanu isagu abuurin ee hadii qofkale uu ALLE(SWT) uu waafajin lahaa uu isba daahfuri kari lahaa.Tani waxay marag u tahay in dadaalka Adamiga uu ALLE(SWT) u fudeeyo marka aad talo saaro, oo hadii aad kartii iyo niyadii aad la timaato dhinaca khayrka ee horumarinta naftada iyo tan dalka iyo dadkaaga uu yahay jid kuu furan.

7- Waxaa aan moodayey in aynu dooranay nidaamka dimoqratiyada oo dadku rabitaankooda ku doortaan hogaanka iyo xisbiga ayrabaan, oo laga gudbay nidaamada kusaleysan kalitalis, reernimo iwm, hadana halbeegeena siyaasadeed,dhaqaale, waxbarasho iyo bulsho waa reernimo,saami qaybsi, kelitalisnimo, maxaa inaga qaldan .

8- Aflagaada, shaqsi nacaybka, isku tanaasul la,aanta, xil gudasho la’aanta iyo geesmarka qawaaniintu waa jidka iska horkeenka, dibu dhaca ,isnacaybka bulsho isku dan dal iyo dad ah.

9- Sinaanta sharciga, khayraadka ,waxbarshada, caafimaadka, fursadaha shaqooyin,maalgashi,iskaashiga bulsho ee isku duubnida iyo fikirka xorta ah ee wax dhisayaa waa astaanta horumarka iyo kobaca danta guud ee qaranimo iyo tan gaarka ah ee muwaadinka somalilanderka.

10- Miyaaney tusaale fiican ahayn WAXAAD NAFTAADA LA JECESHAHAY WALAALKAANA LA JECLOW!

Mahadsanidin

M J Farah