Ardaydii Dhammaysatay Waxbarashada Dugsiga Sare Ee Sheekh Ibraahim Burco, Oo Xaflad Loogu Qabtay Jaamacada Burco.+Sawiro

(SLT-Burco)Munaasibad balaadhan oo lagu sagootinaayay ardaydii sanadkani dhamaystay dugsiga sare ee Sheikh ibraahim schools ayaa xalayto lagu qabtay hoolka weyn ee jaamacada Burco.

Waxaana Xafladaasi Ka soo qaybgalay masuuliyiin farabadan oo isugu jiray, Gudoonka waxbarashada gobolka togdheer, Qaarkamida xildhibaanada Golaha deegaanka burco, gudoomiyaha jaamacada Golis, Prof:cabdixakiin cabdlilahi, Suldaan maxamuud Guuleed, Hurre, maamulka iyo macalimiinta dugsiga, aqoonyahano, waalidiin, arday iyo martishaf kale oo aad utiro badan.

unnamed (2)unnamed (1)unnamed (9)

Iskuulka Shiikh ibraahim ayaa munaasibadani ku sagootiyaayay ardaydii dhamaysatay sanadkani dugsiga sare oo ay kamid ahaayeen ardaydii ugu sareysay imtixaanaadka jamhuuriyada Somaliland, waxaana ugu horeytii furay xafladaasi Maamulka dugsiga Hoose/Dhexe/Sare ee sheikh Ibrahim Schools mudane:Cabdiraxmaan Axmed Cawed oo kawar bixiyay kaalinta uu dugsigani balaadhani kaga jiro bulshada dhexdeeda isagoo maamuluhu xusay inuu ardaydani sanadkani dugsiga ka baxday ay guul weyn usoo hooyeen iskuulka iyo guud ahaanba gobolka iyagoo uu kamid ahaa Ardaygii ugu sareeyay iskuulada dawliga, sidoo kalena uu iskuulku guulaysatay kaalmaha 3aad,8aad,9aad ee iskuulada dawlaiga ah, waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Waxaynu joognaa munaasibadii aynu ku dhiiri galinaynaynay ardaydii kaalmaha sare ka gashay imtixaankii sanad dugsiyeedka aynu soo dhaafnay ee 2013-2014ka  oo ardayda dugsiga sheikh Ibrahim khaasatan form fouradu ay ka galeen guul aad iyo aad utaariikhiya”.

unnamed (3)unnamed (4)unnamed (5)unnamed (6)unnamed (7)

Waxa kale oo munaasibadani ka hadlay Maayir kuxigeenka degmada Burco,ahna ku simaha maayirka degmada burco mudane:Maaxamuud axmed Xoday oo hambalyo udiray ardaygii ugu sareeyay imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee somaliland iskuulada dawliga ah  oo kamid ahaa ardaydii ka baxday dugsigani sare ee sheikh Ibrahim ee caawa xaflada loo qabtay, waxa uu sidoo kale gudoomiyuhu hambalyo udiray ardaydii kale ee kaalmaha hore ka gashay imtixaanaadka iyo guud ahaanba ardayii lagu sagootinaayay xaflada waxaana hadaladii maayir kuxigeenka kamid ahaa “ujeedada aynu xaflada aynu uqabanay waxa weeye inaynu uhambalyeyno ardaydii sheikh ibrahim  guusha usoo hoysay gobolka, hadaanu nahay maamulka degmada waxaanu la dabaaldegaynaa guushaas uu soo hooyay ardayda sheikh ibraahim, ardayga ama ardayada sheikh ibraahim ee guusha gaadhaana isagoo kaliya maaha ee gobolkoo dhan ayaa gushaas gaadhay”

Xildhiban Mubarak yuusuf cilmi bidhi ayaa isna hambalyo udiray ardayda sheikh ibraahim ee guusha lama ilaawaanka ah usoo hoysay dugsiga iyo guud ahaanba gobolka togdheer, sidoo kale xildhibaan cabdi laki oo isna xafladaasi sagootintaa ka hadlay ayaa hambalyo iyo dardaaran usoo jeediyay ardaydii lagu sagootinaayay xaflada isagoo sidoo kale xildhibaanku kula taliyay ardayda danbe ee ka soo baxaysa dugsigu inay sii xoojiyaan guusha ay soo hooyeen ardaydii sanadkani 2013 ilaa 2014 ka baxday dugsigu,

Gudoomiyaha jaamacada burco prof:cabdixakiin cabdilahi oo isna xafladaasi lagu sagootinaayay xaflada ka hadlay ayaa yidhi “iskuulka weyn ee sheikh ibarahim guusha uu maanta  ka soo hooyay imtixaankii jamhuriyada Somaliland aadbaanu idiinku hambalyaynaynaa waana idin soo dhaweynaynaa”

Waxa isna sidoo kale xadladaasi kelmadiisa ka dhiibtay godoonka waxbarashada gobolka togdheer mud:Xasan jaamac warsame oo hambalyo udiray guud ahaanba ardaygii sanadkani guusha usoo hoysay gobolka togdheer gaar ahaan ardaydii sheikh ibraahim oo sideed kamid ahi ay galeen kaalmaha ugu sareeya imtixaankii shahaadiga ahaa,

Ugu danbaytiina suldaan maxamuud guuleed oo xafladaasi soo afmeeray ayaa dhalinyaradii xafladaasi ka soo qaybgashay usoo jeediyay hadalo isugu jira dardaaran waano iyo talooyin wax ku oola isagoo kula talaiyay suldaanku dhalinyada inay markastaba xasuusnaadaan alle ka cabsiga(swt) waxaana hadaladii suldaanla kamid ahaa “Waxaan uducaynayaa ardayda sheikh ibraahim guushaas ay maanta soo hooyeen halka ay marayaan Ilaahay inuu kor uga sii qaado Ilaahay sharfo oo aanu magacaa ay soo hooyeen aanu dib uga xumaanin ayaan Ilaahay uga rajaynayaa, waxaan kaloo leeyahay dugsiyada kale ku dayda reer sheikh ibraahim, Waxa kale oo hambalyo iyo ducaba mudan dadkii ardaydaasi kusoo tabcay ee waalidka lahaa, macalimiinta lahaa, gudida iskuulka lahaa Ilaahay iyagana danbigooda ha dhaafo”.   Waxaana ugu danbaytii halkaasi shahaadooyin iyo abaal marino isku godoonsiiyay ardaydii iyo macaliniitii iyo qaar kamida masuuliyiintii ka soo qaybgashay xafladaaasi,

Si kastaba ha ahaatee dugsiga sheikh ibraahim oo ah dugsiga ugu balaadhan uguna ardayda badan dugsiyada ku yaala bariga Somaliland ayaa sanadkani ku guulaystay in ardaydiisu helaan natiijadii imtixaanaadka kaalinta 1aad ,3aad ,8aad iyo 9aad ee ten topka imtixaanadkii shahaadiga ahaa ee iskuulada dawlada iyo sidoo kale laba hablood oo kamida habalihii ugu sareeyay tentopka, waxaana uu dugsigu ku talaabsaday mudooyinkii ugu danbeeyay horumar balaadhan oo dhinacyo badan ah kaas oo uu horsed u yahay maamulaha dugsigaasi mud: cabdiraxmaan axmed cawed, oo hadh iyo habeen utaagan kor uqaadida aqoonta, bilicda iyo koruqaadida dugsiga.

Xabiib siciid xasan

Somalilandtoday-Burco/Office

Email: <xabiibcige@gmail.com>