Ardayda Dugsiga Ilayska Togdheer Oo U Debaal-Degay Qalin-Jabinta Imtaxaankii Shahadiga Ahaa

(SLT-Burco) Xaflad Baladhan oo ay Hoolka Jamacada burco ku qabsadeen Dufcadii labaad ee ka qalin-janbisa Dugsiga ilayska Togdheer burco ayaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay hoolka jamacadaasi.


Munaasibadani oo ahayd mid si wayn loo soo agasimay ayaa waxa ka soo qayb-galay Masuliyin ka socota wasarada waxbarashada ee G/Togdheer.Siyasiyiin.Macalamiin.arday iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Xafladani oo ay soo qaban-qabiyeen ardaydii dhamaysatay dugsiga sare ayaa waxay munasibadaasi ugu debaal-degayeen guushi ay ka soo hoyeen imtaxaankii shahadiga ahaa ee ay dhawaan ka qaday wasarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee s/land.


Ugu Horaynba waxa munasibadasi ka hadlay qaar ka tirsan ardaydii ka dhamaysatay dugsiga sare iyo waliba qaar ka mid ah macaliminta wax ka dhigata dugsigaasi ilayska togdheer waxaanay shegeen inuu dugsigani u tagan yahay sidii uu usoo saari-lahaa.


Waxaanay sidoo kale Tilmameen inuu dugsigani nasiib u helay labadii dufcadood ee ka qalinjabiyay dufcad ka mid ahi ay nasiib u heleen deeq waxbarasho cafimaad oo wadanka turkiga ah.

Gudomiye ku xigenka wasarada waxbarashada ee G/Togdheer Xasan Jamac iyo Gudomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaradka Wadani Cismaan afgaab waxaaanay masuliyintani maamulka dugsigaasi ku hambalyeyeen gushii uu ka gadhay imtaxankaasi shahadiga ah.

Ugu Danbayntii arday dhigata dugigaasi ayaa halkaasi shahadooyin ku gudonsiyay qaar ka tirsan macalintodii wax u dhigayay wakhtigii ay ku jireen dugsiga sare.

 

 

 

Mohamed Ibraahin Hassan (British)
Somalilandtoday.com/Burco-Office