Arday Jarmalka U Dhashay Oo Loo Xidhay Warqad Uu BBC-da U Qoray

(SLT-Berlin)-Booliiska sirdoonka bariga Jarmalka ayaa waxa ay sameeyeen wax aan caadi ahayn iyaga oo baadi goobi jiray oo raadin jiray dadka warqadaha u soo qora BBC xilligii dagaalkii qaboobaa.

Dadka la xiray oo xabsiga la dhigay waxaa ka mid ahaa wiil dhalinyaro ah oo doonayay in uu fikirkiisa uu muujiyo islamarkana cawaaqib kala kulmay.

Waxa ay ahayd maalintii ugu danbaysay ee xagaaga markii Karl-Heinz Borchardt oo 18 jir ahaa uu waqti kula qaadanayay saaxibtii xeebta Baltic islamarkana ay heeso ka dhagaysanayeen idaacadaha.

Waxa si lama filaan ah u soo idlaatay caruurnimadiisii waxa uuna galay jawi kale.

Hooyadii ayaa si degdeg ah oo aan caadi ahayn u soo gashay qolkiisa waxa ayna u sheegtay in uu labisto,waxa dibadda ku sugayay 5 ka mid ah askarta sirdoonka oo xirnaa dariis.

Borchardt waxa uu codsaday in waqati la siiyo. “waxa aan u baahanahay waqti aan ku fikiro,” ayuu yiri. “waxa ay noqon kartaa sababo badan.

Waxa uu bilaabay in uu daaqada ka tuuro warqado haddii lagu heli lahaa danbi ku noqon lahaa.

Balse Karl-Heinz Borchardt ma uusan ogayn in sirdoonka ay mar hore heleen cadaymihii ay u baahnaayeen.

Waxa ay ahayd laba sano ka hor,bishii September sanaddi 1968, markii uu Borchardt uu BBC u soo qoray warqadiisii ugu horeysay.

Ma ahayn wax sahlan in wax la qariyo laba qol oo ay dad badan ku nool yihiin oo uu la degganaa qoyskiisa magaalada Greifswald, oo ah magaalo yar oo ku taalla xeebta wuqooyiga Jarmalka.

Waxa uu fadhiisan jiray miiska qolka isaga oo warqada uu qorayo ku dhex qarin jiray buuga layliska islamarkana marka uu qof soo galo waxa uu ku rogi jiray buugga.

Waxa uu Raadiyaha dhigan jiray dhanka bidix waxaana Borchardt uu ku xirnaa tabintii ka imanaysay meel ka baxsan dalkiisa.

“Ku socota shaqaalaha Idacada London laanta afka Jarmalka!” ayuu soo qoray.

Mar dhaw Ayaan bilaabay dhagaysiga barnaamijkiina , balse aad Ayaan u jeclaystay ,maadaama aad tabinaysaan fikrado aadan ka helayn warbaahinteena .waxa aan jiraa 16 sano si joogto ah ayaana warqado idinku soo qori doonaa ,gaar ahaan dhalinyarada iyo fikradahooda ku saabsan arrimaha caalamka ,Fikir ahaan ree galbeedka si xoogan oo ku filan uma aysan soo faragalin Czechoslovakia. Ma wadan si wayn ugu soo halgamay xoriyadiisa ayaa hadana u riyaaqaya Suufiyeetka.

Waxaa warqada idin soo qoray wiilkii iskuulka.

.Lahaanshaha sawirkaBSTUImage caption.

Borchardt waxa uu warqada ku saxiixay magac naanees waxa uuna bashqadii warqada ay ku jirtay ku soo hagaajiyay Rolf Degner ee Kantstrasse 45, galbeedka Berlin.

Iska dhaaf in warqad loo soo qoree Dhagaysiga Idaacadaha Ajnabiga dambi ayay ka ahayd Shuuciyadii bariga Jarmalka.

Balse Borchardt uma muuqan khatar soo wajihi karta,waxa uu rumaysnaa in magaciisa uu qariyay darteed ay adagtahay in isaga la soo helo.

Waxa uu warqada ku soo diray Sanduuq boostadiisa .

Kantstrasse 45 waxa ay ku taalay bartamaha Berlin .

Borchardt ma uusan aqoon balse cinwaankan waxa uu ka qortay BBC laanta afka Jarmalka oo markii uu barnaamijka sii dhamaanayay sheegay cinwaanka.

Xafiiskii BBC galbeedka Berlin ee SavignyplatzLahaanshaha sawirkaBSTUImage captionXafiiskii BBC galbeedka Berlin ee Savignyplatz

BBC ayaa waxa ay galbeedka Berlin ka hagaajisay xafiis boostada ah si loogu wareejiyo dhamaan warqadaha leh cinwaanka Sanduuq Boosto oo gaar loo leeyahay.

Warqadan waxaa markii hore la keenay xafiiska BBC ee galbeedka Berlin ka dib waxa loo soo gudbiyay Daarta BBC ee Bush House oo London ku taalla.

Wariyihii soo jeedin jiray barnaamijkii la oran jira’Warqadaha aan saxiixa lahayn, Austin Harrison,ayaa dhowr todobaad ka dib ba sheegi jiray marka uu barnaamijka soo xirayo Sanduuqa boosada.

Kumanaan ah dhagaystayaashii ku sugnaa bariga Jarmalka ayaa warqado magac la’aan ah islamarkana aan saxiixnayn u soo qori jiray barnaamijkaasi oo ahaa todobaadle 20 daqiiqo ah.

Austin HarrisonLahaanshaha sawirka.Image captionAustin Harrison

Qaar badan oo dadkan ka mid ah ayaa soo qori jiray codsiyo ku aadan in aduunku uusan hilmaamin xilli la sii kordhinayay darbigii Berlin.

Qaarkood waxa ay ka cabanayeen in ay gabaabsi tahay cunnooyiinka nafaqaysan iyo khudaarta.

Karl-Heinz Borchardt oo ah qofka ay sheekadeenu qusayso ayaa la dhigay xabsiga Rostock Stasi,halkaasi oo dharka laga bixiyay islamarkana kaligii lagu sameeyay karantiil.

Ka dib markii xabsiga uu ku jiray 8 bilood ayaa waxa lagu helay danbi ahaa in uu isku dayay howlo kacdoon isaga oo kaashanaya warbaahin cadow ah.

Waxa lagu xukumay 2 sano oo xabsi ah isaga oo lagu hayay xabsi loogu talagalay dhalinyarada oo ku yaalla Dessau.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office