Aqoonyahan Yaasiin Calase Oo Sheegay Inuu U Adkaysan Waayay Boobka Hantida Qaranka Ee KULMIYE Wado Uuna Ku Biiray Xisbiga WADDANI

Hargeysa (Somalilandtoday)-Yaasiin Jaamac Calase oo ka mid ahaa dhallinyarada ee sida xoogan u taageera xisbiga KULMIYE ayaa sheegay inuu ku biiray xisbiga WADDANI.


Yaasiin Calase oo ka mid ah macallimiinta wax ka dhigta jaamacadda Hargeysa, sidoo kalena ah falanqeeye siyaasadeed iyo dhaqaale ayaa xidhiidh dhaw la lahaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu ka mid ahaa dhallinyarada ugu dhaw guddoomiyaha.

Muddooyinkii u dambeeyey wuxuu bartiisa bulshada ku faafinayay qoraalo uu ku dhaliilayo siyaasadda dhaqaale ee xukuumadda iyo hanaanka ay ula tacaashay sicir bararka, wuxuuna ka qayb qaatay doodo iyo barnaamijyo la xidhiidha sababaha keenay hoos u dhaca shillinka Somaliland, waxaana uu dhammaantood eedaha ugu badan ujeediyey xukuumadda KULMIYE.

Kadib in muddo ah oo aan lagu arag baraha bulshada, lana fahansanaa inuu saluug jiro waxa uu todobaadkan shaaciyey inuu ka mid noqon doono xisbiga WADDANI.
Dadka u dhuun daloola Yaasiin Calase ayaa qaarkood sheegayaan in dadka ku hareeraysan guddoomiyuhu ay qayb ka yihiin saluugga aqoonyahan Yaasiin Calase.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office