Aqoonyahan reernimo ku ololaaynaya jaahil qalbi fiican ayaa dhaama….W/Q Axmed Xasan Ibraahin

Aqoonyahan reernimo ku ololaaynaya jaahil qalbi fiican ayaa dhaama.
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada muslimka ah gaar ahaan
mujtamaca reer soomaaliland oo aan leeyahay ASAALAMU CALAAYKUM
WARAXMATULAAHI WABARAKAATUHU.
Marka xiga Alle ayaa mahad oo dhami u sugnaatay, waana inaaynu ugu ee mahad naqnaa nimcada eebe ina siiyay ee aay ugu horaayso nabadgalyadu.

Waxaan qalinka u qortay inaan waxogaa ka idhaahdo marxalada wadankeenu
marayo oo runtii ah marxalad u baahan in si cilmiyaaysan looga hadlo
bulshadana loo iftiimiyo khaladaadka ka dhaawici kara qadiyada ,
kalsoonida iyo wax wada lahaanshaha reer Somaliland ku soo caano
maashay mudo ku dhaw sodon sano .

Markaad eegto heerka aqoonta maanta wadanku marayo waxaa aad arkaysaa
in guri walba aay maanta joogaan ugu yaraan laba ama saddex ka baxay
jaamacadaha wadanka ama qaar dibadeed ba , halkaas waxaad ka
dareemaysaa in aaynu heer fiican ka gaadhnay xaga aqoonta mid maadiya
iyo mid diineedba . Iyada oo taasi jirto hadana waxaad is odhanaysaa
dadkani waxba muu baran , maanta iyo maalintii wadanka lagu soo noqday
waxba isma dhaamaan dadka garaadkiisu.
Aqoontu waxaay dhistaa maskaxda waxaanay ka dhigtaa mid si fiican u
fikirta , kala saarta waxyaabaha ku hareeraysan mustaqbalkoodana
odorasta , taas badalkeeda hadii qofka aqoonta bartaa la mid noqdo kaa
jaahilka ah macnaheedu waa waxba muu baran wakhtiga ayuunbaa ka lumay
waayo waraaqdu shahaadadu waxba ma tarto .

Waxaaynu ku jirnaa wakhti loo baahan yahay inaay aqoonta la kaashado
loo jeel qabo si wadanka looga saaro qabyaaladan baahsan , nin
jeclaaysiga iyo siyaasigan kolba shaadh soo xidhanaya ee danaaystaha
ah. Akhriste waxaad in badan aragtay siyaasi la hadlaaya bulsho oo wax
alla wax laga qoro aanad garanaayn taas waxaa ka sii daran dadka
dhagaaysanaya ee sacab iyo mashxarad la barbar taagan .
Wakhtiga ololaha saddexda xisbi oo kii Alle u qoraa heli doono ,
waxaay ahaayd in si cilmiyaaysan loo dhugto balanqaadkooda iyo
waxtarka aay kaga duwan yihiin mid ba midka kale iyadoo gobol ,degma
iyo xaafadiba aay ku dabaqaayso baahida haaysata hordhigaaysana
musharaxa tartamaya iyadoo isku duuban cidiii toontaa ha degto waayo
iyada ayuu ilaahay isbaday .
Waxaan la yaabay xaafad yar oo laga yaabo inaay 3000 kun qof
deganyihiin oo hadana la kala safan saddex musharax iyagoo ku
saleeyay reernimo iyo dano kale.Akhriste waxaa meesha ka baxday dadkii
aqoonta lahaa ee bulshada indhaha u noqon lahaa , taas iska daayoo
iyagaaba ugu jibo iyo caadifad xun , intaaynu sidaa nahayna lagama
yaabo inaaynu horumar gaadhno mid shakhsiya iyo mid guud ba .

Dhalinta maanta wax soo baratay ee la qalday lagana dhaadhiciyay hebel
ayaa reeraheena ah bari hadduu waayo muxuu dareemayaa ? haduu helo se
ma siinayaa shaqo aan imtixaan iyo garsoor aan soo marin ? dhalinta
waxaan leeyahay waxba ugama baahnid hebel iyo hebel toona aqoontaada
ayaa wax kuu ah ku cabir kii waddanka wax u qabanaya

Waalidka waxaan leeyahay ka daayo ubadka waxaad ku akhriyaaysaan ama
wax bara oo u sheega inuu aqoontiisa aamino ama guriga ha iska jooge
ee suga inta uu nin reerkooda ahi xilka qabanayo lacagtana ha iska
dhamaaynina bal inuu shaqo siiyo.

Akhristayaal marka dhalintu ka cabanaayso shaqo ma taal oo qabyaalad
ayaa wadanka taal oo la isku shaqaalaynayaa iyo markaay u heelan
yihiin nin reerkooda ah gar iyo gardaraba iyamaay qaldanyihiin?
Waxaad arkaysaa hebbel oo aad ku taaqanay qof aqoon leh oo baraha
bulshada ku caayaya musharax kale oo aan isbarbardhig samaaynaayn si
aqooni ku dheehantahayna bulshad wax ugu iftiiminaayn , kuna doodaya
yaan laynaga badin. Akhriste marka dadkii wadanka wax u bartay sidaa
yihiin maxaad ka filaysaa caamadii iyo carruurtii.
Soomaaliland aaynu badbaadino, siyaasigu wax walba wuu ogyahay , yaan
caqligeena la caayin waxwalba yaaynaan sacabka u tumin , siyaasadu ma
laha saaxiib joogta ah waxaay leedahay dan joogta ah , doorashada ka
bacdi waddanka waa loo siman yahay reer walba wasiiro wuu heli doonaa
, loogama tago waanu is haaynay iyo waay ii codeeyeen toona.

Isdhaxgalka , isku soo jiidka iyo iskaashigu waxaay dhisaan
mustaqbalka qofka wadan ka mustaqbal ka raba ee wax u soo bartay , ha
ku si foobin xag jir ( racist ) wax reebo oo ka fikir sidaad
dhexdhexaad wadanka ugu noqon lahaayd codkaagana bilaa xajiin dhiibo.

Guul Somaliland
Axmed Xasan Ibraahin ( AXMED SAKI)
MBA
Axmedsaki008@gmail.com
Hargeisa Somaliland
252-063-4478063