Aqoontu miyay gudhaa?     Cabdicasiis Ibraahin Ciise (Daacad)

Xeeldheerayaasha cilmiga iyo aqoonta ee adduunku waxa ay isla qaateen in aanay aqoontu gudhin, gaagixin waligeedna gamashiyin (gaboobin.) Markii aan se ku darsaday fikirkayga gaaban, ee aan rogrogay dabo iyo dacalba, waxa aan qiray in aanay gudhin laakiin se gaagaxdo, waa marka dhan laga istaago e. Lagana yaabee in aad ku mashquulsan tahay ama lafagurayso waxa aan kuu soo tabiyey ee aan bislayn, waa haddii aad i fahmi wayday. Laakiin anaa kuu kala saafi doonna, kuuna iftimiin doona sida aanay aqoontu marnaba u gudhin, u gaagixin ee ay tahay mid la curata hadba saaca ama wakhtiga la joogo.

Aqoonyahanno tiro badan ayaa ku siinaya halkudhigyo ah “In aad aqoonta baaddi goobto dhalashadaada ilaa dhimashadaada”, taas oo macnaha guud ee ay xambaarsan tahay noqonayo in aanay aqoontu gudhin. Nin ayaa la wayddiiyay “waa maxay aqoontu?” wakhti ay aqoontuba yarayd, ninkaas oo lagu sifayn jiray indheergarad waxa uu ku jawaabay: “Aqoontu waa qofba inta uu Illaah caqligiisa gasho”. Halka qaar kale yidhaahdeen “aqoontu waa caqli la biirshay ”, “aqoontu waa waxa haga garaadka cuddoon ee u baahan curashada”. Kuwo kale waxa ay ka yidhaahdeen “aqoontu waa akhriska iyo qoraalka oo isku dhafan”, “aqoontu waa iftiinka nololsha”, “aqoontu waa badda garashada iyo badbaadada nololsha”, “aqoontu waa korinta iyo kobcinta maskaxda”. Waxaas oo dhami waxa ay qeexayaan ama ka war bixinayaan in ay aqoontu tahay mid xeeldheer isla markaana aan gudhin.

16085_686905451392041_6248506946380234769_n

Haddii aan ku yar hakado qeexitaanka sheegaya in “aqoontu tahay akhriska iyo qoraalka”, marka aynu leenahay aqoontu waa akhris, ilama ahan in qofna igu diiddayo ama igaga hor imanayo, waayo qeexitaan ayaa odhanaya “haddii aanad wax akhriyin waxba ogaan maysid, waxna qeexi maysid, waxna qiimayn maysid, waxna qori maysid”. Oo waayo in aad is tidhaahdo ma laga yaabaa? Haa, waayo? In aad wax is wayddiiso saw xaq uma lihid? Haa, laakiin waxa aad is wayddiinaysaa uun ha noqdaan wax macquul ah, isla markaana caqliga galaya. Waxa aan is wayddiin karnaa sidee ayay aqoonta iyo akhrisku xidhiidh u leeyihiin ama isugu dhafmaan? Taasi waa wax fudud, waayo waayaha ayaa ah akhriska nolosha, wakhtiga ayaa ah akhriska nololsha. Sidoo kale cilmiga ayaa ah akhriska nololsha.

Haddaba akhrisku muxuu noqon karaa? Waxa uu noqon karaa daawada maskaxda ee bini aadanka, taas oo uu u baahdo mar kasta oo ay waydo (beesho) qoraal bilan oo ay ku fool (weji) samaato. Akhriska aad buug akhrido iyo kan aynu xagga sare ku sheegnay ee nololshu ma isku mid baa? Maya ee waa kala mid, haddii aanan qaldanayn. Oo waayo?  Sidee bay kala mid u yihiin? Waxa ay kala mid u yihiin siyaabo kala duwan, sida akhriska nololshu u yahay fiirrinta iyo fanashada waayaha ee wakhtigu hoggaansho ayuu akhriska buugaagtuna u yahay fahanka iyo falanqaynta nololsha.

Haddii aynu aqoonta ku tilmaannay akhris iyo qoraal, ma laga yaabaa in dad badani ila qaataan oo aan sax ahay? Haa. Waayo?  Saw inta aad wax akhrido wax ma taqaanid, inta aad wax akhridana ma fahantid siddaa awgeed aqootu waa akhriska ayaynu odhan karnaa. Akhrisku waxa uu isna keennaa qoraal iyo in aad meel ku dhigto mawjadaha wartebiyayaasha ah ee nololsha, sida kuwa aynu ku tilmaanno cilmiga oo ah aragtiyaha aynu ka dhaxalno deegaankan aynu ku noolnahay ee lagu magacaabo Adduun, kaas oo aan laga gayoon haddii la gudo galo.

Aqoontu ma gudhaa? Mase gaagaxdaa? Aqoontu ma gudho laakiin way gaagaxdaa sida aan ka dheegtay aqoonyahanno badan oo caalamka ku kor nool qirayna in aanay gudhin aqoontu se gaagaxdo. Ma laga yaabaa in aad is wayddiinayso sidee bay aqoontu u gaagaxdaa? Aqoontu waxa ay la gaagaxdaa mashquulka maskaxaha iyo mukurka keena deegaan dhalangeddiska, kaas oo ah in aad markaagii hore joogtay deegaan fahan iyo wax faa’idaysi, ka dib aad ku doorsatay ama u beddelatay deegaan aan lahayn labadan midna, oo dadka ku nooli yihiin qaar dhintay oo nololsha aan rafiiq iyo wehel toonna ku lahayn, sida qaar kale oo iyaguna u xuubsiibta isa sarraysiinta iyo is mahaddinta, taas oo ay isku mahaddiyaan fahan u bidhaamay (muuqday) iyo fiiro u rumawday, laakiin wax u qabsoomid iyo guul ah aan ka gaadhin. Kuwaas oo aad mooddo qaar ka xidh xidhmay nololsha teedda nafta leh ( horusocodka leh) ee lagu taamo.

Waxa aynu ogsoonnahay haddaan nolosha loo dhego nuglaan, loona dhibirsanaan, ma saaciddo mana sooryayso dulsaarka qaar ka mid ah bini aadanka kor saaran koonkan aynu ku noolnahay, iska daa is mahaddiye aan waxba hayne. Malaha way ka qashaaftaa (xishootaa) is mahadinta lafteeda oo aan la daardaarin lana farin nololshan aynu martida u nahay.

Hadaba noloshan aynu noolnahay waxa ay markhaati cad ka tahay adeegsigeeda taban iyo keeda toganba, kaas oo ay kugu hagi karto hooggiisa iyo halaaggiisa. Dhanka kalena himiladiisa iyo hiigsigiisa; heliddiisa iyo hantidiisa. In kasta oo ay dadyoow kala duwani ku casuuman yihiin noloshan nooc nooca ah, haddana waa ay kala mudan yihiin kalana maamuus iyo meeqaan sarreeyaan, taas oo aanay siinnin nololshu se laga sameeystay qof iyo doorkiisa uu kaga jiro.

Kuwa ugu firfircoonida badan ee aynu xusi karno waxa ka mid ah, dhakhtarrada, aqoonyahannada, abwaannada iyo qorayaasha oo kaalin muhim ah ugu jira bulshada ay kula dul noolyihiin doontan nolosha. Mid walba iyo kaalinta uu ku leeyahay ayaa ah in uu ballaysimo horusocod iyo hiigsi fog ay ku barbaariyaan kuna baraarujiyaan bulshada wehelka u ah ee ay bar wada deggan yihiin. Hadaba ka gaabsiga waajibaadka saaran mid walba waxa ay noqonaysaa mid sababi karta curyaamin iyo cago la’aan dhanka nolosha ah, taas oo noqon karta, aynu nidhaahnee, hagrashada iyo is mahadinta oo la innagala dardaarmay nolosha ka hor sida ay qeexayaan Qur’aanka iyo Sunnadu. Is mahadintu waxa ay sababtaa gaalnimo iyo in aad caasido Ilaahay iyo dariiqa udgoonaheennii suubbanaa ee Muxamed (scw) ee inooga digay is qaadqaadka iyo is mahadinta aan bannaanayn ee ka badbadinta ah.

Hadaba haddii aynu sidaa uga warqabno maxaynu uga faaruqi waynay? Dee mooyi! Oo maxaad faa’idayn haddaanad garanahayn qoraa, aqoonyahan, dhakhtar iyo abwaanba mas’uuliyadda ku saaran? Aqoontu ma aha sheeko xariiro hadba si loo dhigo laguna bahoobo sheeggisteeda iyo shareerkeeda. Sidoo kale aqoontu ma aha buunbuuninta, qorista iyo currinta wax aan manfac lahayn, sida sheeko la jaanqaadaysa casri aan wanaagsanayn, ka dhaqan ahaan iyo ka diin ahaanba.

Currinta iyo qorista saxda ahi waa ta aynu sheegaynno, waana sheegista iyo shaxaynta cilmiga mid soo kordha iyo mid jiray, kuwaas oo la qurxiyo iyada oo wax laga saarayo ku dheeri ah, waxna lagu soo darayo ku habboon.

Haddaynu barano sida wax loo qoro waxna loo akhriyo maaha in aynu barannay sida wax loo sheegsheeggo ama wax la isaga mala’awaalo, kaas oo lagu mashquulo faa’iido darridiisa, waa sida aan dad badan ku arkaye. Horta soomaalidu haddii ay daba shabeeliso, oo wax u manfac badan hesho, maxay u tuurtaa una tebtaa? Maxay isu mahadisaa iyada oo aan hantiyin wixii ay ku taamaysay, ugana takhlan tahay?

Haddii aad cilmi taqaan dadka ayaa wax lagula noqdaa, haddii aad curin taqaannana  maankaaga ayaa wax lagula noqdaa. Oo sidee wax loogula noqdaa? Waxaa wax loogula noqdaa si aad u hubiso dhaxalgalnimada waxa aad curisay jiritaankooda  iyo waxa ay soo kordhinayaanba. Ogow mas’uuliyadda ku saaran. Ogow haddii aad ku mashquusho wax aan waxba soo kordhinayn bulshadana wax u tarayn in aad lumisay hadafka inta kula fikirka ah iyo mujtamaca aad ka midka tahayba.

Cabdicasiis Ibraahin Ciise (Daacad)

abdiasisdaacad@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Tel :  063 407 3818