Aqoon Darro Mise Cadaalad Darro: Waa Maxay Sababta Ay Afrikaanka Iyo Aasiyaanku Uga Mushahar Yaryihiin Dhigooda Yurub Iyo America??

(SLT-Hargaysa)-Warshadaha iyo ganacsiga teknolojiyada sare ku shaqeeya ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay in dadka Afrikaanka iyo Eeshiyaanka ah aysan la mushaar ahayn kuwa cadaanka ah iyadoo arintaasina lagu tilaamay mid cadaalada ka fog.

Cilmi-baadhistan ayaa waxaa daaha ka rogay Mac-hadka daraasaadka dhaqaalaha ee dalka Maraykanka oo sheegay in ay aad u baadheen  kala saraynta iyo sinaan la’aanta mushaaraadka ku salaysan jinsiyadda.

“ Tani waxa ay noo tilmaamaysaa arimo khuseeya jinsiyadda iyo midabka, waa arin saamaynteeda leh laakiin kala duwanaanshaha badan waa in ay wehliyaan ikhtiraac iyo ilbaxnimo dheeri ah, ma aha in uu ka dhasho takoor iyo liidid  wakhti hore laga soo gudbay” ayuu yidhi Nicole Kreisberg oo ah falanqeeye sare, kana mid ahaa dadkii sameeyay daraasadda.

 

index

Nicole ayaa waxaa uu sheegay in markii ay cilmibaadhista samaynayeen ay niyadda ku hayeen dhinacyo badan oo ay ugu horeeyaan waxbarashada, shaqada, da’ada, deegaanka, jinsiyadda, dhalashada iyo xaaladaha dhaqan dhaqaale.

Cilmi-baadhista ayaa waxaa lagu sheegay in tani ay ugu wacantahay sinaan la’aanta fursadaha iyo shaqadaba taasoo ka dhigtay dadka laga tirada badanyahay ee Afrikaanka iyo Asian-ka ah ay ku shaqeeyaan gunooyin iyo shaqooyin masabkoda iyo tayadoodaba ay aad u hoosayso.

Khubaro horay u samaysay daraasado iyo maskax maaxin ayaa ogaaday in kobaca teknolojiyaddu ay sababi karto shaqo yari iyo sinaan la’aan.

Maxamed Aadan

Xigasho: WArgayska Somalilandtoday