Shir-guddoonka Golaha Wakiilada Oo Sheegay Inaan Guddoomiye CIRRO Ka Talo-gelin Wax Ka Beddelka Xeerkii Guurtidu Soo Celisay

“Xildhibaannada WADDANI ee shalay Lahaa hala na soo dhex galo iyo ciidamo AMISOM ah hala keeno Iyagaa ka Jawaabi Doona” Guddoomiye Baashe

“Somaliland faro-gelin laguma samaynayo, xildhibaannada yidhi Xasan Sheekh ha nagu soo duulo, loo dulqaadan maayo” Guddoomiye B.M. Faarax

(SLT-Hargeysa) – Xildhibaannada Muxaafidka ah ee Golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa ku sheegay inaanu goluhu furmi doonin ilaa laga heshiiyo wax ka bedal ay sheegeen in Guddoomiyaha Golahaasi ku sameeyay xeerka diwaangelinta.

Xildhibaannada oo ah aqlabiyadda Mudanayaasha Golaha Wakiilad Somaliland, ayaa kulankaasi oo qado sharaf ahaa ku faaqiday sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka labada garab u qaybiyey xildhibaannada Baarlamaanka, laakiin waxay sheegeen inaan Goluhu furmayn inta ka horeysa 8-da bisha 11-aad ee sanadkan.

Labada Guddoomiye ku xigeenka ee Golaha Wakiilada, oo ku hadlayey Magaca Mudanayaasha KULMIYE ee kulanka yeeshay ayaa si isku mid ah u sheegay inay ka xun yihiin in Guddoomiye Cirro uu wax ka bedal ku sameeyo xeer ay meel-mariyeen 64 mudane.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada, Cali Yuusuf Axmed oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxay ahayd inaanu Guddoomiyaha la aragno xeerka loo gudbinayo Golaha Guurtida, oo aanu la saxno, sidaana loogu gudbiyo, laakiin nasiib daro xeerkii la isku raacey ayaa wax laga bedalay, Guurtiduna markay ogaadeen ayay soo celiyeen waxayna yidhaahdeen xeerkani maaha kii Goluhu isku raacey ee soo saxa”

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada, Baashe Maxamed Faarax oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Guddoomiyaha waanu u dhiibnay sagaalka qodob ee qaldan, laakiin Komiishan baa la hor-taagan yahay iyo Madaxtooyadaa soo dhex gashay (waxba kama jiraan) Komishanka lama diidana oo waa la ogol yahay, laakiin waa in mar hore khilaafkii Golaha dhexdiisa ahaa meel la isla dhigaa, wixii intaa ka horeeya wax la ansixiyaa ma jiraan, ilaa xeerkii (Diwaangelinta) sidiisii loogu gudbiyo Golaha Guurtida. Golihii fasax ayuu ku jiraa, ilaa 8-da bisha 11-aadna arrintaasi waxay gacantiisa ku jirtaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, cid dhex dhexaadin kartaa iyo cid kale oo ka hadli kartaana ma jirto inta Goluhu arrintooda dhameysanayaan”

Xildhibaanno

Guddoomiye Baashe, waxa kale oo uu ka hadlay “Xildhibaannada WADDANI ee raacsan Guddoomiyahooda waan maqlayey shalay inay lahaayeen hala na soo dhex galo iyo ciidamo AMISOM ah hala keeno, waxaasi maaha wax loo dulqaadanayo, Somaliland faro-gelin laguma samaynayo, xildhibaannada yidhi AMISOM hala noo keeno iyo Xasan Sheekh ha nagu soo duulo, iyagaa ka jawaabi doona, waana khiyaamo qaran, waa qaran dumis ninka yidhaahda Somaliland hala keeno AMISOM” ayuu yidhi.

Cabdiqaadir A. Carab

Email: Horseed001@gmail.com