“Raggii Wasiirada Riyaale Aha Ee Hantida Ummadda Gurtay Ee Daaraha Iibiyay Inay Hadlaan Uma Fiicna Inay Xishoodan Ayay Ahayd “. Wasiirka Duulista Hawada SL

(SLT-Hargeysa) – Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Mud. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo si adag uga difaacay eedo Musuq maasuq oo ka soo yeedhay  Wasiir hore uga tirsanaa Xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, kaas oo aha Wasiirkii Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa isbarbar dhig ku samaayey dhismayaashi dawladda ee ay iibisay Xukuumadii Madaxweyne Rayaale Kaahin iyo Xukuumadda  Madaxweyne Axmed Siilaanyo, isagoo su’aalona ku duray masuulyiintii hawshaas gacanta ku haysay oo uu ugu horeeyo Siciid Sulub Maxamed oo hadda Xisbiga WADDANI ka tirsan.

 

Wasiir Maxamuud Xaashi oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi. “Ragg waa weyn oo dalka xilal ka soo qabtay, oo xukuumadi u dambeysay ka mid aha, oo taariikhdooda la yaqaano, oo la akhriyey,  ayaa isaga oo hadlayey wuxu laha Xukuumad wada musuqmaasuq ah oo dalkii   boobtay ayaa in haysata, dalkuna badbaado ayuu u baahan yahay, ninka sidaa lihi waa Siciid Sulub. Ummadda Somaliland ayaa ka markhaati kacaysa waxay ahaayeen(Wasiiradi UDUB) iyo waxa aanu anagu nahay.”

Pg_3raY0pAxXkABAOBRauXkC9jUa601ew5jBQk1FQeCKFmRKnzRSKS-_mrqSa1zu0Nm1ksAgOuilFoGf5YKMfRgZBOXy-t7vtfLATRNYxw=w627-h418-nc

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa intaas ku daray “Aqalo ayaa la iibin jiray lacagtana gaar ayaa loo qadan jiray qasnada dawladana laguma soo shubi jirin waraaqaha dadka guryahaas lagaga iibiyeyna waxa lagu qorijiray Hibo. waa aqaladda laga dhisay Hindiyo Laynka, daaraha quruxda badan ee aad argteen, waynu u baahnayan oo magaalda bilic ayey ka sameeyeen, lakiin waxa laysku haystay Aqalka iibkiisa may ahyane, waxa ay ahayd hantida dakhliga ha lagu daro, oo ummadda wax ugu qabta, Aqladaas caawa wax lagu badalay ma hayno, annagu dee kuwii aanu iibinay waxbaanu ku badalnay”.

“Waxaa lagu qoray waraaqihii muwaadiniintaas la siiyey, hibo, waa maxay Hibo macnaheedu? Waa siin, lacagtiina waa laga qaaday waraqihiina waxa loogu qoray waa laydin siiyey, ragga waa-weyn ee tijaarta ah ee maanta aqladaas dhisanayaa, ma Hibay u baahanyihiin?, Anagu hibo kuma qorno, gudida qandaraasyada Qaranka ayanu marina marka wax la iibinayo, si xalaal ah ayaanu u iibinaa dakhliga ka soo xaroodana miisaniyada ayaanu ku darnaa, waxna waanu ku qabanaa, haddii faylashayada la baadho markaanu tagnana mid walba halkii uu ka soo baxay iyo halkii uu galay waa la helayaa, oo hab xisaabeed ayuu leeyahay nimanka hantidi hore sidaa u galay ee Siciid Sukub kii hadlaayay ka midka yahay, maanta in ay xishoodaan oo khajilaan ayey ahayad, inay nala yooyootamaan may ahayn in qolyaha  saaxada siyaasadda ku cusubi nala murmaan ayaa haboonayd.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi oo habeenkii xalay ka hadlayey munaasibad Shahaado sharafeed lagu gudoonsiiyey.

Somalilandtoday Hargeysa Office

Contact@somalilandtoday.com