“Cismaan Waxar 7 Maayar-baa Ku Eryey Musuqmaasuq” Maayarka Hargeysa

(SLT-Hargeysa) – Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa sheegay in xildhibaano tiro yar oo ka tirsan golaha deegaanka ee uu hoggaamiyo ay  ku soo shireen inay buuq iyo qaylo ku dhex abuuraan kalfadhiga 8aad ee golaha Deegaanka Caasimadda.

Sidoo kale, waxa uu Maayar Soltelko nasiib daro ku tilmaamay in qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee ka soo horjeedaa ay garan waayaan in lacagtii kabta ee dawlada dhexe ay siin jirtay dawladaha hoose  ay ku baxday Diiwaangelinta Madaniga ah oo ah hawl qaran oo umadda oo dhan u taallaa, taas oo ku waajib ah inuu qof kasta ka qaybqaato Diiwaangelinta Madaniga.

Sidaas waxa uu maanta ka sheegay markii uu soo xidhay kalfadhigii 8aad ee golahoodda, waxaanu xusay in qodobkii wadooyinka cusub ee degmooyinka loogu magac darayey mujaahidiinta dalka usoo halgantay inay fool xumo tahay inay xildhibaano ka soo horjeestaan oo ay buuq iyo muran dhex galiyaan.

“Waa Nasiib daro qofku inuu garan waayo waxa uu ka hadlayo, miisaaniyadayadu waxa ay ku salaysnayd korodhka miisaaniyadii 2013 iyo 2014 oo farqiga u dhexeeyey yahay korodhka aanu miisaaniyada kordhinay bishii 9aad ayuunbuu xisaab hayaa isagoo guddida dhaqaalaha ka mid ah hadana inuu beenta intaa leeg ka sheego xildhibaanku isagay u taalaa.Waxa uu yidhi waxa soo baxay macal kabkii, waxaanad wada ogtihiin in kabkii lagu galay diiwaangalinta oo arin qaran ahayd, waxa kale oo uu ka hadlay mashaariicdii 5% lama qaban taa anigu waxa aan markhaati uga dhiganayaa shacabka iyo media-ha, wadadaa dhexe ee ka soo bilaabanta Halaya ee ku joogta Buurta-kala Jeexan ee dawladda dhexe iyo dawladda hoose iska kaashadeen anagoo madaxweynaha uga mahad celinayaa hawshaasi uu nala galay, waxa kale oo hawshaasi uga mahad celinayaa wasirka Madaxtooyadda, Maaliyadda iyo Arrimaha gudaha, yaa dhisay Garoonkii Xawaadle, Barxada Cusbitaalka Hortiisa iyo Dabdamiskii oon ku jirin Miisaaniyada dawlada dhexe balse dawlada hoose qaadatay kharashkii ku baxaya hawlgalkiisa oo guddi joogto ah goluhu ku ansixiyey, hadii goluhu uu diido wixii uu ansixiyey waxa aanu idin siin doonaa Muuqaaladii Video-ga ahaa ee la idinka duubay”ayuu yidhi Maayarka oo iska difaacayey eeddo ay usoo jeediyeen qaar ka mid ah xildhibaanadda golaha Deegaanka.

Waxaanu intaas ku darayaa “Waxa la yidhi nin ay u muuqato halka aad joogtaa, qof kursigani uu u muuqdo waxuu doono ayuu ku hadlayaa, waxaan leeyahay illaahay ayaa bixiya masuuliyada iyo maamulka, qofku inuu dhaleeceeyo cid maaha, aniga iyo Cismaan Waxar way na kala taqaanaa ummadu kaayaga musuqmaasuq lagu eedayn karo ee kiisas ka yaalaan dawlada Hoose ee todoba Maayir halkan ka eryeen isaga oo shaqaale ah waa la yaqaanaa”.

Maayarka Hargeysa

Sidoo Kale, Maayarku waxa uu sheegay in wadooyinka saaka la ansixyey magacyadoodda ay kala yihiin wadadda Bariijka ee Xabaalaha oo loo bixiyey Suldaan Bare, wadadda istaanka Jabuuti tagta oo loo bixiyey Qadiimi iyo wadadda Masalaha ee Soke oo loo bixiyey Mujaahid Yaasiin.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com