“Ammanka Iyo Nabad Gelyada Dalka Ayaa Ka Horeysa Wax Kasta Xita Doorashada”. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

(SLT-Hargaysa) Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID, Eng: Faysal Cali Waraabe oo maanta Saxaafadda kula hadlaayay Garoonka Diyaarahada ee Magaaladda Hargaysa ayaa sheegay in muhiimada koobaad ee Qaranku leeyahay ay tahay ammaankiisa, sidoo kale wuxuu sheegay in wax kasta ammaanka iyo nabad gelyada dalka laga horeysiin doono, wixii talo ahna la wada yeelan doono. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu intaas ku daray in lagu yaqaano, oo uu ku caan baxay badbaadinta Qaranka Somaliland. “Anigu danta Xisbigayga waxaan ka horeysiiya danta Qarankayga” Weedhaas ayaa kamid ahayd hadaladii Guddoomiyaha UCID. Muqaalkii hadalka Faysal Cali Waraabe Hoos Ka daalaco.

mqdefault (1)

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.