Amiirka Awooda Badan Ee Sacuudiga Oo Xabsiga Ka Siidaayay Amiiro Qoyska Boqortooyada Ka Tirsan Oo Uu Hore U Xidhay .

(SLT-Riyad) Xeer ilaaliyaha Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa amray in la sii daayo labo wiil oo uu dhalay boqorkii hore ee Sacudi Carabiya Boqor Cabdalla kuwaasoo ka mid ahaa amiiro loogu Xidhay arrimo musuqmaasuq.

Amiir Meshaal bin Abdullah iyo Amiir Feysal bin Abdullah ayaa ka mid ahaa illaa labo boqol oo ka soo jeeda qoyska reer boqor,wasiiro iyo ganacsato iyadoo lagu xirey amar uu soo saaray amiirka leh dhaxalka boqortoyada Sacudi Carabiya Amiir Maxamed bin Salman bishii November ee sanadkan. Labada amiir ayaa laga sii daayay hotelka Ritz-Carlton oo hadda noqday xabsi lagu xiro dadka loo haysto musuqmaasuqa kadib markii ay oggolaadeen in xal laga gaaro dhaqaalaha lagu tuhunsan yahay inay musuqmaasuqeen.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in aan weli laga gaadhin xal amiir saddexaad oo la walaal ah amiirada la sii daayay Turki bin Cabdullah kaasoo weli ku xidhan hotelka Ritz-Carlton. Sida laga soo xigtey wargeyska Okaz cadadkiisii soo baxay December 26 ugu yaraan labaatan kale oo lagu eedeeyay musuqmaasuq ayaa toddobaadkii la soo dhaafay la sii daayay.

Eedeysanayaasha aan heshiis la gaarin dowlada ayaa la sheegay in la soo taagi doono maxkamad sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow boqortooyada Sacudi Carabiya.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office