Ambassador Cawil Oo Shay Luugu Yimid Qasnadii Dawlada Oo Madhan Maanta In Uu Cid Dhaleeceeyo Uma Haboona. Qore: Maxamedsaalax

Ambassador Cawiloo shay luugu yimid qasnadii dawlada oo madhan maanta in uu cid dhaleeceeyo uma haboona. Korneyl cawil ducaale oo ahaa wasiirkii maaliyada ee xukumadii daahir riyaale ,wuxuu dalku ka dhaxlay qasnad madhan.Taas oo sababtay in muddo xukumadii cusbeyd ee kulimye ku adkaatay in ay bixiyaan adeegyadii bulshada u danta ahayd. Waa 2010kii. Ciidankii qaranka iyo macalimiintii umadka waxbaraysay ayaa muddo 4 bilood ah musharkoodii ay xaqa u lahayeen ku wayey. Tani waxay ka dhalatay tagrifalkii xumaa ee uu ku kacay wasiirkii maliyada,cawil. Hawlihii Qarankii oo dhan ayaa xanibmay. Xubnihii wagaas ugu cadcadaa ee xisbiga kulmiye waxay wacad ku mareen in cawil maxkamad la soo taago oo xoolihii uu

umada ka boobey la xisaabiyo. Masuulkaas mid ka mid ah xilalkii qaranka ugu muhiimsanaa loo dhiibay ee dayacay,maanta in uu cid dhaliilaa waa ku gaf. Kornely cawil wuxuu musharaxa madaxweynaha ee xisbiga waddani ,mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahii (Cirro) ku dhaliilay in aanu waxba dalkan gashan .Waar iyamaa ceeb ah wixii umadu kuku aamintay in aad dayacdid iyo in qof lagu canaanto waxba dalka muu gashan. Cawil tii dalku lahaa ayuu cunay ,iskaba daa wuxuu gashade ee’.
Dr. cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahii (Cirro), wuxuu ahaa muddo 12 sanno ah gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland . Mudadaas goluhu wuxuu ku guulaystay meel marinta 68% shuruucda iyo xeerka lagu hagaayo qaranka jamhuuriyada Somaliland mudadii ay jirtay Somaliland. Waa masuul shaqadii uu qaranku u igmaday ka soo baxay. Tusaale ahaan xeererka qaranka u muhiimka ah ee uu Cirro keenay waxa ka mid ah: Xeerka muumulka iyo maaliyada Qaranka,oo faraya Sameynta nidaam cad oo lagu maamulo Maaliyada Dawladda si loo hubiyo isla xisaabtan dhamaystiran, isla markaana loo sharciyeeyo qaabka ugu haboon ee hantida qaranka loo isticmaalo. Cirro halkuu isgu xeerkii hantida qaranka lagu ilaalinayay ku mashquulsana ,cawilna wuxuu ku mashquulsana siddii loo burburin lahaa hantida qaranka.

MaxamedSaalax

Dhallinyarda isbedeldoonka ah ee Xisbiga WADDANI.

Facebook: Maxamedsaalax

maxamed_s2000@hotmail.com