Wakiilka Somaliland U Jooga Dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed Oo Gaadhigii Badhasaabka Gobolka Hawd Ula Baxsaday Dhinaca Jabuuti.

(SLT-Hargeysa)-Warar lagu kalsoonyahay oo ay warbaahintu heshay,ayaa xaqiijinaya in safiirka Somaliland ee Dalka Jabuuti,Md.Cabdifataax Siciid Axmed uu si badheedh ah xadka ugala talaabay Gaadhigii Dawladda ee uu ku shaqaynayay xiligii uu ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland,isaga oo Lanbarkii Gaadhiggana kaga bedelay Kastamka Lawyo-caddo,waxaanay xoguhu intaas ku darayaan in Gaadhigii oo lagu dhejiyay Lanbarka Dalka Jabuuti uu haatan ku wato gudaha Dalkaasi.

Image result for Cabdifataax Siciid Axmed

Gaadhigan oo ah nooca loo yaqaanno BARAADO,ayaa waxay Wasaaraddu soo iibisay inyar ka hor intii aannu Madaxweynaha Somaliland ka qaadin Xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha,iyadda intaas ka dib laga dhigay Wakiilka Somaliland u fadhiyi doono Magaaladda Jabuuti ee Dalka Jamuuriyadda Jabuuti.

Warku waxa uu intaas ku darayaa inay Masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaraddu ay Md.Cabdifataax Siciid Axmed ay amar ku siiyeen inuu Gaadhiga sifo-sharci ah ugu wareejiyo Badhasaabka Gobolka Hawd oo ay Wasaaraddu siisay,balse waxa la sheegay inuu dhawr jeer ka baxay ballantii uu ku qaaday inuu gaadhiga wareejinayo.

Dhinaca kalena,waxa aannu la xidhiidhnay Badhasaabka Gobolka Hawd,Md.Ibraahim Xaaji Cali Xasan,waxaana uu noo xaqiijiyay inuu Agaasimihii hore ee Wasaaradda arrimaha guduhu uu gaadhigii ay Wasaaraddu siisay uu si ka baxsan Anshaxa Dawlad-nimo uu ula baxsaday,isla markaasna uu la galay Waddanka Jabuuti.

Arrintan,ayaa kusoo beegmaysa xilli kala guur ah,taas oo ay khatar ay ku jirto Hantiddii Dawladdu,gaar ahaana Gaadiidkii,iyadda oo la sheegayo inay Masuuliyiin badani ku xidheen Baabuurii Dawladda Lanbaro shicib ah,si aan looga soocin kuwa ay dadka Muwaadiniinta ahi wataan.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday.