Al-shabaab Oo Markale Gudaha Kenya Kasoo Afduubatay Gaadiid iyo Dad Shacab ah


(SLT-Kenya) – Kooxo aan la aqoonsan, balse loo malaynayo inay Al-shabab ka tirsan yihiin, ayaa   Afduub ka geystay Deegaanka Kiunga eek a tirsan Xeebta Gobolka Lamu.Kooxdan hubeysan ayaa Gudaha Kenya kasoo afduubatay laba gaadhi iyo shan Qof oo saarnaa kuwaasi oo ku jeeday deegaanka Laamu.al

Mas’uuliyiin u hadlay maamulka deegaanka Kiunga ayaa sheegay inay sidoo kale jiraan dad kale oo aan la ogeyn in la qafaashay iyo in kale, kuwaasoo la socday doonni iyaduna ku wajahnayd isla degmada Laamu.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadkan laga soo qafaashay kenya lala soo aaday Soomaaliya, waxaana ciidamada booliska Kenya ay wadaan baadigoobka dadkaas iyo halka ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Weerarkan ayaa imanaya xilli ay ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya iyo maamulka Jubba ay weerarro ka billaabeen gobollada Jubbooyinka oo ay intooda badan gacanta ku hayso Al-shabaab.

Somalilandtoday Hargeysa Office

Contact@somalilandtoday.com