Ajaanib Iyo Diyaarado Maamulka Puntland Ka Caawinaya La Dagaalanka Al-shabaabta Buuraha Galgala & Feejignaanta Ciidamada Qaranka Ee Bariga Sanaag

(SLT-Galgala) – Deegaannada Buuralayda Galgala ayaa waxa ka soo cusboonaaday dagaallo u dhexeeya Ciidamada Maamul Gobolleedka Puntland iyo dagaal-yahanno Al-shabaab ka tirsan oo fadhiisin ku leh buuralayda Galgala ee bariga gobolka Sanaag.

Dagaallo toddobaadkii u dambeeyay ka dhacay Galgala ayaa Maamulka Puntland ku sheegtay inay Al-shabaab ka qabsadeen fadhiisimihii ay ku lahaayeen Galgala, laakiin Al-shabaab ayaa taasi bedalkeeda sheegtay inay khasaare u geysatay Ciidamada Puntland ee ay dagaalyahannadoodu dagaalka la galeen.

 

download (5)

Hasa-yeeshee warar badan oo Wargeyska Somalilandtoday shalay ka helay aagaasi ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee u dambeeyay ay halkaasi ka socdeen dagaalo teel teel ah, kuwaasi oo ay ka qayb-qaateen ciidamada loo yaqaanno PS-ta oo ay taageerayaan ciidamo Ajaanib ah oo la sheegay inay adeegsanayaan diyaarado kuwo qumaatiga u kaca ah.

Inkasta oo aan xaqiiqo lahayn, haddana wararka halkaasi ka imanaya ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac ahi ay soo kala gaadhay labada dhinac, isla-markaana dhaawacyada ka dhashay dagaalladaasi qaarkood lagu arkay deegaanno gudaha Somaliland ah, inkasta oo aan la kala caddeynin dhinaca ay ka soo jeedaan dhaawacyadaasi.

Dagaalladan oo la filayo inay sii deba dheeraadaan, ayaa waxa laga dareemayaa deegaannada bariga Sanaag, gaar ahaan degmada Dhahar oo la sheegay in Puntland ay ka qoranayso ciidamo afantariya oo la dagaalama Al-shabaabta Galgala.

Haddaba, si aanu arrintaasi wax uga ogaanno waxa aanu la xidhiidhnay Taliyaha saldhigga Ciidamada qaranka Somaliland ee gobolka Badhan, Gaashaanle Yaasiin Cismaan Saalax, waxaanu sheegay inay dagaalladaasi ka war qabaan isla-markaana ay feejigan yihiin “Waanu ognahay in Buuralaha Galgala ay ku sugan yihiin Niman Wadaado ah, ciidamada Puntland-na ay ku sugan yihiin, dhaqdhaqaaq badanna uu halkaasi ku jiro, laakiin dhankayagu wa nabadgalyo, indhahana waanu ku haynaa” ayuu yidhi, Taliyuhu waxaanu intaasi ku daray “Way jiraan oo way ku sugan yihiin Galgala ciidamada PS-ta oo isugu jira ciidamada Maraykanka ee  Caddaanka ah iyo Soomaali, halkaana waxa toddobaadkan ka dhacay dagaallo, diyaaradana waanu maqaley inay meeshaasi sawiraan”

Taliyaha oo aanu waydiinay inay jiraan ciidamo Puntland ka qoranayso deegaanno Dhahar ka mid tahay ayaa ku jawaabay “Way jirtaa inay ciidamo iyaga ka mid ah iyo kuwo ciidamo beeleedyo ay u yeedhanayaan oo ay meelo ugu diyaar-garoobayaan, laakiin ciidamada qaranka Somaliland wuxuu ku sugan yahay xuduudkiisa, arrimahaana indhaha ayay ku hayaan”

Xigasho: Wargayska SOMALILANDTODAY