“Dhallinyarada Borama Iyo Hargeysa, Waxay Isku Dileen Gabadh Qaylisay, Ee Lama Xidhiidho Qabiil” Badhasaabka Gobolka Awdal, Cabdoo Axmed Aayar – Wareysi

Boorama (Somalilandtoday) – Badhasaabka Gobolka Awdal Md. Cabdoo Axmed Aayar  ayaa ka hadlay rabshado ay sameeyeen qaar ka mid ah dhalinyarada Magaalada Borama, kuwaasi oo khasaare ay geysteen uu ku soo baxay caddadkii shalay ee Wargeyska Somalilandtoday.

Guddoomiyaha ayaa qiray inay jiraan dhibaatooyin loo gaysatay dhalinyaro ka tagey Hargaysa, hase yeeshee waxa uu beeniyay warar   sheegayay   in weerar lagu soo qaaday, weerkaasina uu ahaa mid qorshaysan oo iyaga loola jeeday.

1581

Guddoomiyaha ayaa arrintasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raadtoona lahayn isla markaana waxa uu ka digay in arrinta lagu xidhiidhiyo qabiil, sidaana waxa uu ku sheegay mar uu lasoo xidhiidhay Wargayska Somalilandtoday.

Md. Aayar ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen iyo halka rabshadu ka bilaabatay,  waxaanu yidhi “Siday waxa u bilaameen haddii aan kuu sheego dhalinyaradu waxay tageen galinkii dambe jaamacadda Camuud oo ay aad u xiiseeyaan dhalinyaradu, dabadeed mid ka mid ah dhalinyaradii Hargaysa ka yimid ayaa isku dayay inuu inan la hadlo oo uu la sheekaysto, inantii ayaa qayliday markaa wiil ayay is afdhaafeen, suuqa ayayna isla soo galeen, inamadii  reer Boorama ee soo dhoweeyayna waxay la safteen dhankii inanta, markaa horta sheekadu halkaas ayay ka bilaabantay mana ahay wax qabiil ama magaalo xidhiidh la leh, markaa inamadii kale ee reer booramana waxay caawiyeen oo ay garab siiyeen kuwii dagaalka ku jiray”

Mar kale guddoomiyaha  ayaa ka warramay khasaaraha rabshadahaa ka dhashay “Basaskii ay inamdu wateen ( kuwa Hargaysa) waxbaa la soo gaadhsiiyay, shan Wiilna way dhaawacmeen labadiiba waxaanu nidhi iska soo saara kuwii dagaalamay iyo kii fidnadu ka bilaabantay 5 meel ah iyo siddeed meel ah ayaa xidhan iminka, waxanina wax qorshaysan ma ahayn, inamaduna saaxiibadood ayay u yimaadeen warkaasna waxba kama jiraan”

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in dhalinyaradii Hargaysa ka socotay ay iyaguna khasaare u gaysteen baabuurtii socotay ee ka timid kalabaydhka ilaa Dila laga gaadhayay.

Xigasho Wargayska Somalilandtoday.