Afrika: Laba Gabdhood Oo Qarxiyey Xero Qaxoonti Oo Ku Taalla Dalka Niger

(SLT-Niger)-Laba qof oo haween ah ayaa isku qarxiyey xero qaxooti oo ku taala magaalada Kebalewa ee dalka Nayjar.

 

Ugu yaraan laba qof oo kale ayaa ku dhintey qaraxa ay fuliyeen laba gabdhood kuwaas oo looga shaki qabo in ay yihiin gabdhihii ay Boko Xaraam soo tababareen.

Kooxda xagjirka ah ee Boko Xaraam oo ka bilowdey dalka Neyjeeriya ayaa ku fidey dalalka jaarka la ah Nayjeriya sida Kamaruun, Nayjar iyo Jaad.

Boko Xaraam ayaa weerarada is qarxinta ah inta badan u isticmaala gabdho.