Adigu matahay Qof xorr ah?….W/Q: MOHAMOUD ARAB (SABUUB)

Adigu matahay Qof xorr ah?….W/Q: MOHAMOUD ARAB (SABUUB)

Xorriyadad markaad maqashid waxaa markaba kugu soo dhacaya xorriyadii lixdanaadkii iyo gumaysii dhiigya cabka ahaa ee wakhtigaasi jiraya lakiinse masiirkaygu iyo fikirkaygu kaa maaha ee waxay ula jeedadaydu tahay shaqsi ahaan matahay qof ka xora qabyaalad , amaba matahay qof ka dheer oo ka fog astaamaha biqliya qabyaalada ee ay ka midyihiin eex,xil jacayl,musuqmaasuq, qof jeclaysi,cadaalad daro,cuqdad, iyo cudurada aafeeyay dhamaan umada somalida ee ay gadhwadeenka u tahay qabyaalada iyo reer hebel .

 

1016575_759455664067047_1996533685_n

Xornimadu waa adiga oo ka xora qabyaalad , qalalaase nafeed iyo mid wadanba, qaybsanaan,cadaalad daro,fikirada togan ee ku sal fadhiya qabyaalad

Alle ha sharfo qoraa jaamac muuse jama buug uu qoray
Oo layidhaah gobonimo bilaash maaha ayaa waxa uuu ku cabirayaa gobonimada shakhsiga uu leeyahay iyo xorriyada uu haysto qofku ee ka bilaabmata shaqsiga kuna dhamaata dad iyo dal

Waxaa maanta dhalinyaradii iyo jiilkii cusbaa ee soo kacayay ka dhex dilaacday dacuun layidhaahdo qabyaalad oo dhuuxa iyo laftaba ka gashay guud ahaan umadii somalida
Oddayga reerka ee suldanka ama caaqilka ayaa abuuraya,siyaasiga ayaa gardaadinaya, jaahil ayaa korinaya, qaangaadh malinta ay gaadhana waxaa kobcinaya oo horumarinaya dhalinyarada
Somalidu waxay tidhaahdaa awrka hore awrka danbe socodkiisa ayuu leeyahay” dhaqan ahaan awoowyaasheen wax waa ka dhaxalnay lakiinse waxa aynu ka dhaxalnay maaha sidan aynu maanta ugu dhaqmayno qabyaalada iyo sida aynu u kool koolinayno waxanad mooda in doorkii dhalinyarada ee loo hanwaynaa tirtirida qabyaalada ay fashilantay soona ifbaxayso ifafalooyinka lagu kala qoqobayo dhalinyarada iyada logu suntayo qabiil laguna dhaqmayo qabyaalad.

Maanta waxaa la jooga xiligii la abaalmarinlahaa qabyaalada waayo Inbadanbaa isku dayaynay inaan gaagixiyo qabyaalada oo aan ka dhigno goloof inbadanbaynu isku dayaynay inaan dhakhtarino oo aan u qorno kiniin ay ku caatawdo si ay qabyaaladu u tamaryaraato inbadanbaynu isku dayaynay inaan madiil iyo toray u tolo si aan qudha uga jarno inbadanbaynu isku dayay inaan xariir dhaqano dheeli tirta caalamka oo xooga dhalinta iyo aqoonyahanka lagu majeerto umada guud ahaa ka dhigno kuwo ka midaysan fikir iyo mabda balse aanay noqon kuwo ku midoobay qabiil iyo qabyaalad

SONYO waa dalad dhalinyaro balse ma matasho dhalinta caafimaad qabta ee ka nasahan ama ka daboolan cudurka iyo ciilka haysta dhalinyarada dhalinyaarada cidi uma maqna ceelna uma qodna wali far ayaa ku godan wanaagii laga qabay in laga baxay qabiil oo loo kacay hab iyo hanaan wanaagsan oo wax lagu maamulin oo si siman oo cadalada lagu kala baxo wali tahriibkii waa halkisii aqoonyahankina waa hoobanaya dhimasho iyo saxariir iyo baraf ayaa qayrkood ka reebay xilima ayay hiil helayaan ? Dhalinyaraa wax maamusha oo waxka bedelaysa way hadhay hogna waxa ku riday dalada ku sheega sonyo

Maanta waxaan ugu baaqi lahaa dhalinyartaa isku mashquulay ee qabyaladu kala qoqobtaya inay dib u fikiraan oo ay fikir ku midoobaan balse aanay caadifad iyo nin jeclaysi ku midoobin lays wacyi geliyo dhallinyaradana dhiirigelin loo sameeyo maanta waydinkaa arka dhalinyarada dhibatada haysata siyaasi aan meel fog jirin ayaa gacanta kula jira oo docodocaynayaa dhalinyarada yaa lagu guuri geedigana dhallinyarada oo keliya ayaa furikarta cidkale oo xal haysaana majirto waxaana lagama maarmaana in dhidibada loo aaso ururo bilaa qabyaalada oo bilaa cadifada oo iska wax u qabsa ah oo dunida wax ka badasha iska dalkee

Wa bilaahi tawfiiq

W/Q: MOHAMOUD ARAB ABDI (SABUUB)