Abaaruhu Ma Inoo Horseedi Doonaan Horumarka iyo Isku-duubnida Bulshada?

Waxa aynu ka wada dharagsanahay wararka dhiilada leh ee inaga soo gaadhaya gobolada, degmooyinka iyo guud ahaan deegaanada dalka, ha ugu badnaadaan jiidaha xeebta gobolada Salal, Awdal iyo Gabiley.

1-194-90x90

Marka laga reebo abaarihii hore oo aan sheeko ahaan uun ku hayo, abaartani waxa ay noqonaysaa abaartii ugu horaysay ee aan goob-joog u ahaa oo waliba aan indhayga ku arkay dad iyo duunyo ay saamaysay, waana wax Illaahay (SWC) laga magan-galo marka aad aragto raadka xun ay ku yeelatay dadka, xoolaha iyo deegaankaba.

Sida ay caddeeyeen duqayda iyo waayeelka soo gaadhay abaarihii hore ee dalka ka dhacay, “Waa abaartii ugu horaysay ee la wada waayo BAAD iyo BIYOBA”.

“Abaartani haddii ay laba bilood oo danbe sii socoto, Oo Illaahay (SWC) shubi waayo raxmaadkiisa, waxa dhici doonta in dadka ay saamaysay maydadkooda cagaf lagu aasi doono,” Mid ka mid ah Guddiga abaaraha oo Indhihiisa ku soo arkay dad iyo xoolo dhimanaya.

Xasan Daahir ‘Weedhsame,’ oo ah abwaan dhallinyaro ah oo Alle (SWC) hibo u siiyay in uu suureeyo hadba marxalada lagu jiro, ayaa tuducyo ka mid ah maanso uu ku cabiray xaaladda adag ee abaarta, waxa ka mdi ahaa:

“Saddex goor haddii aad gasiin gawska la helayso,

Haddaad midhaha geedaha ku yaal gurato hoobaanta,

Haddaad guri dugsoon jiifto iyo ilo-xidh kuu gaara,

Haddii goolal kuu looggan yiin dhereg ku goohayso,

Way galangalcoobeen dadkii kugu gadaanaaye,

Goonyahaaga baahida jirtaa waa mid ganac weyne,

Giriyaad harraad baa ku dilay gabanadeeniiye,

Hooyada sidii awr gurgura guudka ubad saartay,

Ee socodka goobyaalaysee qaydku kala gooyey,

Ee goror biyo ah haysanee luunka lagu gaadhay,

Ee weliba gabankay siddaa hooyo garow leeyey,

Uma waayin guullaha ilaah gaawe iyo soore,

dadkeenii miyiga waan ka gaabinaye”

Ujeeddadaydu maaha in aan ku dheeraado saamaynta abaarta iyo raadadka dhabta ah ee aynu arkayno. Illaahay (SWC) ayaynu ka barayaynaa in uu raxmaadkiisa inoo shubo oo abaarta inaga soo jabiyo.

Laakiin, waxa aan qallinka u qaatay in aan qoraal yar oo kooban ka sameeyo fekerka uu gudbinayo cinwaanka sare ku xusan.

Tusaale, dalka Japan, intii lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka (1939-45), waxa ku dhacay mid ka mid ah masiibooyinkii ugu adkaa ee adduunka haleesha ee Bani’adam gacmihiisa isugu gaysto. Maraykanka oo xilligaas hoggaaminayay xulafadii Isbaahaysiga ee ka soo hor-jeeday xulafadii uu Japan ka mid ahaa, ayaa qumbule-duryihii ugu horeeyay (atomic bomb) ku dhuftay magaalada Hiroshima, boqolkiiba sagaashan (90%) magaaladu waa ay bas-beeshay, waxaana isla markiiba ku qudh-baxay 80,000 oo qof, kumaan-kun kalena waxa gaadhay dhaawac ay markii danbe u dhinteen.

Saddex maalmood kadib, ayaa bamkii labaad lagu bar-tilmaameedsaday magaalada Nagasaki, waxaana ku dhintay 40,000 oo qof.

Weeraradaasi waxa ay Japan ka dhigeen dal dhaqaale ahaan, caafimaad ahaan iyo bulsho ahaanba burbursan, ilaa la sheego in xataa tobanaankii sanno ee ka danbeeyay dhacdooyinkaas awgeed ay carruurta Japan ku dhalanayeen naafanimo dhinaca jidhka iyo maskaxdaba leh.

Mas’uuliyiintii iyo hal-doorkii reer Japan waxa ay daraaseeyeen dhibaatadda ku timi iyo sidii dhakhso looga bixi lahaa. Japan ma lahaa ilo dhaqaale oo dabiici ah marka la barbardhigo dalka aynu ku nool nahay. Waxa ay xaqiiqsadeen in shaqaale aqoon, xirfad iyo tayo leh lagu gaadhi karo horumar degdeg ah. Taas ayaa keentay in kor-u-kaca dhaqaalaha Japan uu noqdo MUCJISO (Japanese post-war economic miracle).

Japan hadda waa dalka saddexaad ee ugu dhaqaalaha badan adduunka, waana dalka labaad ee warshadaha ku horumaray. Waa dalka koowaad ee ugu deyn bixinta badan. Halkan laguma soo koobi karo horumarka Japan ay gaadhay masiibadaas kadib.

Waxa aan uga socda Japan, Rwanda iyo dalal kale oo badanba dhibaatooyinkii ay soo mareen waxa ay ka barteen casharo (lessons learnt) ay ku horumariyeen dalalkooda iyo dadkooda. Haddaba, dalkeena iyo dadkeena dhibaatooinkaas qaar ka heer hooseeya oo ay sababeen dagaalo iyo masiibooyinka dabiici ahba waynu aragnay, sida abaartan hadda aynu ku jirno oo kale. Laakiin, su’aasha isweydiinta mudan waxa weeyi, DIYAAR MA U NAHAY IN AYNU CASHARO KA BARANO, SI AANAY DIB INOOGU SOO NOQON?

Waxa aad moodaa in su’aashaas qaybo ka mid ah jawaabaheeda oo aan kutalo-gal iyo qorshe ahayn ay hadda muuqdaan. Tusaale, waxa la sameeyay guddiyo heer qaran, heer dhallinyaro, heer haween, heer culimo iyo guud ahaan heerarka kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ku hawlan samato-bixinta dadka ay abaaruhu halakeeyeen. Guddiyadaas waxa ka mid ah dhallinyaro mutadawaciin aqoonyahan ah oo abaabul ka sameeyo baraha bulshada, gaar ahaan facebook-ga oo lacago gargaar ah uruuriyay.

Hambalyo gaar ahaan waxa aan u dirayaa dhallinyarada Hargeysa iyo Berbera oo ilaa hadda uruuriyay lacago, iyada oo aan filayo in gobolada kale ay ku talo jiraan.

Gabogabadii, dhallinyarada aqoonyahanka ah waa dadkii isbedelka iyo horumarka baaxadaas leh ka hirgeliyay dalalkaas aynu soo sheegnay, laakiin, waxa ay ku shaqaynayeen qorshe iyo hindisayaal ay u dejiyeen mas’uuliyiintii waayo-aragnimada, khibradda, wadaniyada iyo aqoonta lahaa ee markaas maamulayay dalalakaas, halka, mas’uuliyiinteenii iyo hal-doorkeenu aad moodo in ay ku mashquulsan yihiin dano-gaar ah iyo xafiiltan dhexdooda ah, inkasta oo ay jiraan shakhsiyaad madi ku ah  shaqadooda oo dadaalaya.

Ma soo koobi karno baahiyaha baahsan ee jira, laakiin waxa aan soo jeedin lahaa qodobada hoos ku qoran oo aan is leeyahay feker ahaan waa lagaga badbaadi karaa abaaro danbe, insha Allaah:

  1. In Rabi loo noqdo. In macaasida iyo guud ahaan falalka aan banaanayn laga joogsado, laga taxadiro, lagana hor-tago, sida RIBADA, SINADA, KU TAKRI-FALKA XOOLAHA UMMADDA & AGOONTA, CADDAALAD-DARADA iwm.

  2. In Guddiyada abaaraha ee xukuumaddu magacawday aan la baabi’in ee la kordhiyo loona bixiyo XAFIISKA HORUMARINTA & KA-HOR-TAGA MASIIBOOYINKA, dhallinyarta mutadaciinta ahna ay ka ka qaybgeliyaan geedi-socodkaas.

  3. In Xukuumaddu waxbarasho dibadeed oo heer sare ah u dirto aqoonyahano sooc ah oo takhasus ku soo qaata BARASHADA DEEGAANKA & ISBEDBEDELKA CIMILADDA, BEERAHA IYO BIYAHA.

  4. In la diyaariyo BIYO-XIDHEENO, si looga faa’iidaysto biyaha roobka ee dhibaato mooyee faa’iido aynaan ka helin (Dad badan iyo gaadiid badan ayaa ku leedahay biyaha dooxyada).

  5. In la badbaadiyo DHIRTA inta hadhay, kuwo cusubna la beero, sababata oo ah dhirtu waxa ay qayb laxaad leh ka tahay roobka.

  6. In xoogga la saaro teknoolajiyadda wax beerista, oo aynu ka guuri karno hababkii hore. Tusaale waxa loo soo qaadan karaa Dugsiga Agoomaha ee Kuwait dhistay ee loo beeray cuntooyin, biyihiina loo soo saaray.

  7. In la horumariyo lana casriyeeyo habkii iyo hanaankii ay beeralaydu u keydsan jirtay raashinka (BOHOLAHA), iyada oo loogu talo-galayo in sannado badan aynu haysan karno raashin lagaga bixi karo abaaraha iyo masiibooyinka (Food Security).

  8. In Suuq loo sameeyo dadka beerlayda waxay soo saaraan, waxana ku filan suuqeena wadanka gudihiisa, balse waxay u baahan tahay in hay’adaha gargaarku (sida hore u dhici jirtay) aanay wax ay wadanka ka iibsan karaan dibadda ka keenin.

  9. In la ilaaliyo iniinyihii (seeds)kii hore ee wadankeena wax lagu beeri jiray, maadaama hadda iniinyaha (seed) dibadda laga keeno uu yahay wax mar keliya la isticmaalayo.

  10. In kor loo qaado tayada waxbarashada iyo nolosha kale ee miyiga si loo helo miyi dhaqan (oo looga hortago xoogga magaalada u soo hijrooday).

  11. In la dardargeliyo SANDUUQA-ZEKEDAIllaahay (SWC) waxa aan ka baryayaa in uu xaqa inagu sugo, abaarahana inaga dulqaado. Qodobaasna

kuwii hirgeliya Illaahay ha inaga dhibo.

ALLAA MAHAD LEH.

Qalinkii Mustafe Adam

Kibaaro@gmail.com

  766 Active Vistors Online

    

POPULAR POSTS