Aadan Dooc Oo Kamid Ahaa Waxgaradka Gobolka Togdheer Oo Burco Ku Geeriyooday. Bahada Somalilandtoday Media Group Oo Tacsi U Diraaya.

(SLT-Burco) Alle hawnaxariiste Aadan Siciid Maxamed (Aadan Dooc) oo kamid aha waxgaradka Gobolka Togdheer ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Burco.

Aadan Dooc wuxuu kamid aha Dadkii madaniga aha ee magaalada Burco, shakhsi samo talis ah oo axsaab badan dadkana uruuriya ayuu aha. Alle hawnaxareeste Marxuumku wuxuu ka soo qayb qaatay dibudhiskii Gobolka Togdheer,  dhammaan bulshada rer Burco shakhsi ay yaqaanaana wuu aha.

Dhammaan Bahada Somalilandtoday Media Group, hawl wadeenada Wariyaasha kala jooga Gobolada iyo adduunka & maamulka guudba  waxay tacsi u dirayaan eheladii qaraabidii caruurtii iyo dhammaan shacbiga rer Burco ee uu marxuum Aadan Dooc ka baxay inuu samir iyo iimaan ka siiyo, maruumkana ku arsaaqo jannooyinkiisa waasaca ah.

Somalilandtoday Media Group.