“99% Dadka Aan Cashuurta Bixin Waa Dadka Lacagta Leh” Maayar ku Xigeenka Hargeysa

(SLT-Hargeysa) – Kalfadhigii 8aad ee golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa oo maalintii 3aad ka socda hoolka Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa lagaga dooday laba qodob oo kala ah ka qaybqaadashadda diiwaangelinta Madaniga ah iyo dardargalinta soo xereynta cashuuraha baaqda.

Kalfadhigan oo markii hore uu furay Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa xildhibaanadda u sheegay inuu hawl u baxayo, isla markaana ku sii wareejin doono ku ku xigeenka maayarka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago Weyne).

download (1)

 

Intaas ka dibna waxa shirgudoonkii la wareegay ku xigeenka maayarka Cabdicasiis Cago weyne, waxaanu xildhibanadda usoo jeediyey inay ka doodaan labadaasi qodob oo kalfadhigan horyaala, waxaanay xildhibaanadda intooda badan isla garteen inay diiwaangelinta Madaniga ahi muhiim u tahay dadweynaha, isla markaana xildhibaanadda loo qaybiyo degmooyinka caasimadda si ay ula socdaan qaabka hawshu u socoto iyo sida dadweynaha loo wacyigelin lahaa.

Sido kale, xildhibaanadu waxay soo jeediyeein in shaqaale dawladda hoose ka socda oo ku soo tobabarta qaabka shaqadda u socoto la geeyo goobaha diiwaangelintu ka socoto si hadhow ula soo wareegto dawlada hoose marka ay dhamaato ololaha diiwaangelinta wadanka laga hirgaliyo, kuwaas oo soo jeediyey in sodanka goobeed ee ay ka socoto la geeyo sodan shaqaale oo IT-ka dawladda hoose ah si ay macluumaad uga soo bartaan, kuwaas oo kharashkoodda dawladda hoose bixinayso.

Sidoo kale, waxay ka doodeen in goobaha dadka lagu diiwaangelinayo ay baajiyeen shaqaddii dawladda hoose ee dadka u qabanayso, islamarkaana loo baahan yahay in guryo u gaar ah loo kireeyo si hawlaha u kala socdaan, iyagoo xusay in xafiisyadda degmooyinka dawladda hoose ay mashquuliyeen diiwaangelinta madaniga ahi iyo dadweynaha safafka ugu jiraan kuwaas oo hawlihii caadiga ahaa  laga shaqayn karin.

“xildhibaanaddu waxay ka doodeen xaga Diiwaangelinta waxayna shacabka reer Hargysa ugu baaqeen inay kaadhka muwaadinka doontaan, waxaase ka digayna in aanay ku noqonin oo imika dad badan ayaa u xidh xidhan ku noqoshadaas, waxa la soo saaray labadan qodob dood dheer iyo falaqayn ka dib, guddida dhaqaalaha ee caasimada, iyo gudida fulintu inay isla eegaan, shaqaalaha ka hawlgali doona ee loo diri doono goobaha ay diiwaangalin ka socoto, qodobka labaad in la soos aari doono liis xildhibaanada golaha deegaanka oo la shaqeeya hawlwadeenada diiwaangelinta, kuwaas oo loo qaybin doono goobaha diiwaanta  si ay ula socdaan ama u kormeeraan sida hawshu u socoto si hawl wadeenadda ugu fududeeyaan”ayuu yidhi Maayar ku xigeenka Cabdicasiis Xaashi oo ka hadlaya qodobka diiwaangelinta ee laga doodayey iyo natiijaddii soo baxday

Dhinaca kale, waxa iyaguna ka doodeen sidii cashuurta ku baaqay shacabka looga soo ururin lahaa, isla markaana mudaddda labadda bilood ah ee sanadkan ka hadhay la sameeyo olole cashuur ururin ah, iyagoo soo bandhigay meelaha cashuurta ku hadhsan iyo cashuuraha aanay wali qaadin oo ay waajibtahay inay dawladda hoose qaado.

Maayar ku xigeenka waxa kale oo uu soo saaray natiijaddii qodobka labaad ee laga doodayey ee cashuur soo ururinta oo xildhibaanaddu caqlabiyad ku ansixiyeen, waxaanu yidhi “Qodobkii lbaad ee cashuurta inaga maqan, golaha deegaanka ee caasimad Hargeysa ka dib dood iyo falaqayn ka dib waxay ka doodeen qodobo faro badan oo ah sidii loo soo ururin lahaaa cashuuraha ka maqan si adeegyo horumarin ah loogu sameeyo caasimadda, waxay isla eegeen in qorshe la sameeyo nidaam lagu soo ururinayo cashuuraha iyadoo la sameynayo lliisaskii dadka cashuurta ku maqan tahay  oo 99% dadka aaan cashuurta bixin waa dadka lacagta leh oo lacagtu ku maqan tahay, qodobka labaad oo ah fulinta qorshahaasi cashuurtan oo ay hogaaminayaan xildhibaanadda golaha deegaanka oo ay ku soo saari doonaan guddida fulinta, waxa jira cashuuraha inaga maqan iyadoola soo saari doono halka cashuurtaasi ku maqan tahay iyo cida inaga haysata sida imika halkaana laga sheego oo ay u badan yihiin iskuulada gaarka loo leeyahay oo lacag badan ka qaada dhalinyarta, kuma jiro dugsiyadda aan lacagta ka qaadin ardayda balse dugiysada lacagta ka qaada waa waajib inay bixiyaan cashuurta ku waajibtay”

Labadan qodob ayaa xildhibaanaddu si xeer dheer uga doodeen, isla markaana isla afgarteen inay muhiim tahay sidii labadaasi qodob looga midho dhaln lahaa, isla markaana xildhibaanaddu ka qaybqaatan, iyagoo soo jeediyey in wakhtiyadan oo kale ay caado ahaan jirtay in olole cashuur ururin ah la sameeyo si dadka caadaystay inay cashuurta bixin ama cashuur diidka ah cashuurtii ku waajibtay looga soo qaadi lahaa.

Sidoo kale, waxa la isla gartay in guddida dhaqaale  soo dajiso nidaam iyo qorshe cashuuraha baaqday loo soo xareyn lahaa, iyadoo guddi hoosaadyada kale iyo xildhibaandda wakiilada ah degmooyinka loo samayn lahaa qorshe ay ka duulaan.

Gudoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha Maxamed Aw Aadan Wayrax oo ka mid ah odayaasha golaha deegaanka Caasimadda ayaa sheegay in khilaafkii soo kala dhexgalay xildhibaanadda si wanaagsan ku dhamaatay, isla markaana dadweynihii soo doortay ka raali galiyey khilaafkaasi iyo buuqii ka dhashay, isagoo xusay in meel shaqo ka  socoto mar walba is khilaaf iyo muran ka dhalan karo balse loo baahan yahay uun In si wanaagsan ku soo dhamaato.

Xildhibaan Wayrax oo arrintaasi khilaafka ka hadlaya waxa uu yidhi“ waxaan ku faraxsanahay in  kalfadhigan si caadi ah u socdo, dadweynaha aad baan u raaligalinayaa intii yarayd ee maalintii dhoway dhacday taas oo iska dhamaatay oo sifiican u dhamaatay, goluhu waa gole sharaftiisa leh oo mudan oo isku tanaasulaya oo is maqlaya oo is dhagaysanaya, boqolaal jeer baa la is khilaafaa laakiin muhiimadu waa in si wanaagsan lagu dhameeyaa, imikaba golaha wakiilada khilaaf baa ka taagan ilaahay ha inaga qaboojiyee, dunida khilaaf lagama waayo  carabka iyo  labadiisa daan ayaa is qaniina, in la xisaabta waa waajib in shuruucda la fuliyo waa waajib goluhuna si wanaagsan ayuu intaaba isla gartay, qodoxdana uga guray, waana ka raali galinayna dadweynihii na soo doortay waxay maqleen (khilaafka), waana ceeb inay dadkii ay qoraxda u taagnaayeen khilaaf iyo muran soo kala dhexgalo”

Sidoo kale, waxa uu dhaliilay dugsiyadda gaarka loo leeyahay oo uu sheegay inay lacag badan ka qaataan ardayda nasiib darose aanay bixin cashurtii ku waajibtay, waxaanu yidhi “cashuurta wixii  dan guud ah cidnaba cashuur kama qaado dakada markay ka soo degayo waa bilaa cashuur wixii ganacsiga cashuurta waa lagu leeyahay madarasadaha iyo dugsiyada lacag bay qaadanayaan lacag baa lagu leeyahay, haddii aanay lacag qaadin dawlad hoose lacag ku leeyihiin oo kabaysa hadii ay lacag badan ka qaadayso waa in cashuurta dawladda hoose bixiyaan cashuurteedda, tacriifada way ku qoran tahay oo baarlamaanka ansixiyey, iskuulka ardayda aan waxba ka qaadin anaga kabayna oo ha noo yimaado, xaga cashuur soo uruirnta wakhtigan oo kale marka ay gaadho olole cashuur ururin ayaa dhici jirtay oo degmooyinka kuraas dheeraad ayaa la keeni jiray, marka aynu galno ololihii cashuurta inaga maqan”

Xildhibaanadda doodda shalay ka qaybqaatay waxa ka mid ahaa xildhibaan Xasan Waxar, xildhibaan Mubaarak Malow, Xildhibaan Axmed Daahir, Xildhibaan Cabdilaahi Aw Aadan, xildhibaan Hanad Xaashi, Xildhibaan Cabdi Cali, xildhibaan Axmed Haybe, Xildhibaan Axmed Siyaad, Xildhibaan Cabdilaahi Siciid iyo Xildhibaan Maxamed Timacadde.

 Xigasho: Wargayska Somalilandtoday