Dawladda Itoobiya Oo Al-shabaab Iyo Eritrea Ku Eedaysay Dad Safaaraddeeda Maraykanka Ku Mudaharaaday.

(SLT-Addis ababa) – Xukuumada Itoobiya ayaa ka codsatay Maraykanka in uu dacwo ku soo oogo koox ku mudaharaday safaradeeda  Washington oo isku daydey in ay calanka dalka dhulka soo dhigaan.

Madaxii dhanka amaanka ee safaarada ayaa dadkii dibadbaxayey ku furay rasaas. Banaabaxa ayaa dhacay 29-kii bishii hore. Ninkii rasaasta riday ayaa Maraykanka ka baxay kadib markii u ka cabsooday in dacwo lagu soo oogo.

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada ee Itoobiya, Dina Mufti, ayaa Khamistii u sheegay TV-ga Itoobiya in kooxda banaanbaxday ay xidhiidh la leeyihiin Eritrea iyo kooxda mayalka adag ee Alshabab.
ttoobiya

Afhayeenka ayaa ku nuuxnuuxsaday in ay tahay masuuliyada dawlada Maraykanka in la ilaaliyo sharafta  safaaradaha islamarkaana sharciga la horgeeyo dadkii sameeyey xadgudubka.

Waaxda arrimaha dibada ee Maraykanka ayaa sheegtay in ay dhacdada baadhayso iyada oo codsatay in ay waraysato ninkii rasaasta riday oo la rumaysan yahay in uu haystay xasanada diblamaasiyiinta. Waaxda ayaa tilmaantay in ay aqoonsatay in ninkaasi hadda dalka ka baxay.

Koox taageersan mucaaradka Itoobiya ayaa 29-kii bishii hore ku guulaystay in ay gudaha u galaan safaarada iyaga oo rabshad ka sameeyey. Mucaaradka iyo taageerayaashooda ayaa waayadan bartilmaameed ka dhigtay dibalamaasiyiinta iyo wufuuda ka socata Itoobiya iyaga oo hodheelada iyo meelaha suuqyadaha ku rabsha.

Somalilandtoday Hargeysa Office

Contact@somalilandtoday.com