Kalamaanka Somalilandtoday Muxuu Ka Yidhi Jawaabta Madaxwaynuhu Ka Bixiyay Qabsoomidda Doorashooyinka??

(SLT-Hargaysa)-Bogaadiye: Allaylehe waakaa Madaxweynihii Qaranku ku caddeeyay qoladan Mucaaridka ah inay xaasid ku yihiin horumarka dalka iyo Waxqabadka muuqda ee ay Xukuumaddiisu ku talaabsatay. Waxaanse bogaadinayaa Sheekh Aadan oo shalay runta ka sheegay sida ay Qoladan Ingiriisku Afka macaan iyo Uurka daban inoogula macaamilayaan.

 

kl

Baafiye: Waar Madaxweynuhu Kursigiisa oo beryahan dambe dagaalku ku sii batay ayuu difaacanayaaye, waxaan baafinayaa halka ay jaan iyo Cidhib dhigeen Nimankii Al-shabaab ee laga qabsaday Saldhigooddii Galgala oo markii ugu war dambeysay lagu sheegay inay dhinaca Badda u firxadeen.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday