SC,

Wax aynaan dhaqan u lahayn haddaynu nahay reer Somaliland baa ka soo burqanaya Guddomiye Cirro taaso ah jebin sharci iyo wax isdaba marin

hadda mudo bil gudaheed ah wuxuu guddoomiyuhu ku kacay 2 arimood.

 

1- Xubintii kumishinka ee xisbiga WADANI laga dalbaday inuu soo magacaabo MD CIRRO wuxuu si khiyaamo ku jirto u magacaabay xoghayihiisi arimaha dibada MR FADAL isagoo leh wuu iska casilay jagadii uu xisbiga ka hayey si uu ajandhaha xisbiga uu uga hawl galo komishanka dhexdiisa oo asraarta iyo jaangoynta hawl maalmeedka xafiiska komishanka ula wadaago.

2- Golihii baarlamaanka ee uu guddoomiyaha ka ahaa qodobadii golohu isla qaatay oo aqlabiyad lagu ansixiyey halkuu u gudbin laha guurtida ayuu qolka u xidhay oo wax ka bedel iyo ku darsi  qodobo uu dangaar ah u arkay ku sameeyey.

Arimahaasi waxay ku cusubyihiin saaxada siyaasada ama se sharci dejinta iyo hay’adaha madaxa banaan waa arin mujtamaca reer Somaliland dhammaantii taabatay sababtoo ah beenta iyo isdaba marintu waa dhaqanka Somalia baabi’iyey salkana ay u dhigi la’adahay ilaa maanta waxaa taa u raacda in uu guddoomiyuhu quud daraynayo inuu qarankan madaxweyne ka noqdo hadaba dadku waxay isweydiinayaan mar haddi ficiladii iyo dhaqankii guddomiye Cirro sidan yihiin maqaadi kara amaanada uu higsanayo.

arintu se waxay ku soo biyo shubmaysa reer Somaliland ilaahayba jecel oo nabadeeda iyo barwaaqadeeda ilaalinaya

Sir maqabe alla u sahana.

Somaliland guul iyo gobanimo ku waar.

Cabbas Shaxar