Suldaan Abu-sufyaan Oo Kamid Ah Madax Dhaqameedka JSL OoTaageeray Musharaxnimada Madaxwaynaha Somalilnad Hambalyona U Diray Shacabka Islaamka.

(SLT-Hargasya)-Suldaan Max,ed Muse Nur Abu sufyan oo kamid ah Madax dhaqameedka beelaha gabooye ayaa waxaa u soo dhaweeyey

musharaxnimada madaxweyne silanyo ee tartanka doorashada madaxtinimada ee lagu wado iney dalka ka dhacdo sanadka 2015, Suldaanka ayaa waxaa qoraal kooban oo uu soo dhigay pageka u kuleeyahay shabakada bulshada kulmisa ee facebooga  u dhignaa sidan:

Waxaan marka hore ugu hanbalyeeynayaa dhamaan umadda islaamka meel kasta oo ay ka joogaan daafaha dunida curashada sanadka cusub ee islaamka waxaanan Alle ugu baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo.

 

ATT00001

Dhanka kale waxaan soo dhaweynayaa musharaxnimada uu shaaciyey madaxweynaha Somaliland mudane, Ahmed Max,ed Max,ud Silanyo taas oo u sheegay inu yahay musharaxa jagada madaxweynenimo ee doorashada dalka ka dhici doonto haddii alle idhaahdo, iyada oo bilihii u danbeeyey ay bulshada ku soo dhex noqoneysay inaanu madaxweynuhu aheyn musharax qoreena saxaafada qaarkeed balse uu afkiisa ka xaqiijiyey ka soo noqoshadii safarkiisi shirkii London taas oo uu Madaarka cigaal international airport ku sheegay inuu yahay musharax meeshana ka saaray kutiri kuteenkii,

 

Haddaba haddii aan ahey Suldaan kamid ah Salaadiinta Somaliland gaar ahaan Salaadiinta beelaha gabooye waxaanu si weyn u soo dhaweyneynaa musharaxnimada madaxweyne iyada oo uu madaxweyne silanyo iyo xukumadiisu yihiin kuwii ugu horeeyey ee saami mugleh ka siiyeey dhalinyarada aqoonyahanka beelaha gabooye shaqaalaha haayadaha dawlada, sidoo kalena miisaaniyada qaranka ugu dareen sanadkasta arday tiradoodu gaadheyso 25 ardey, waxay xukumadu xoog saartey sidii kooto ugu heli lahaayeen kuraasta barlamaanka

 

Haddaba waxaanu u sheegaynaa madaxweynaha in beel ahaan aanu soo dhaweyneyno musharaxnimadiisa iyo hankiisa doorashada

 

Suldaan Max,ed Muse Nur Abu Sufyaan

Hargeisa Somaliland

 

Tell: 0634482999

Email: suldanabusufyan@gmail.com