Wadahadaladii U Dhaxeeyay Kuuriyada Koonfureed Iyo Kuuriyada Waqooyi Oo Dub U Furmay Iyo Waxyaabaha Ay Iska Shabahaan Qadiyada Somaliland.

(SLT-Seoul) Wadamada Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada waqooyi ayaa dib u bilaabaya wadahadaladii u dhaxeeyay oo hakad galay muddooyinkii danbe

Labadan waddan ayaa la filayaa inay kulamada wadahadalka isugu yimadaan dhammaadka bishan aynu ku jirno, ilaa horaanta bisha kow iyo tobnaad. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Kuuriyada Koonfureed ayaa soo dhaweeyay dib u furmida wadahadalada labada dhinac wuxuuna sheegay in wax kasta lagu dhammayn karo wadahadal.

061003_north_korea_south_ko

Arrintan isu soo dhawaanshaha labada dal ayaa ka dhalay kadib markii ay saddex xubnood oo wafti ah oo ka socda dalka Koonfurta Kuuriya, ay si lama filaana safar ugu tageen xarunta Kuuriyada Waqooyi, taas oo keentay in la iclaamiyo bilowga wadahadalka. Geesta kale qadiyada labadan wadan ka dhaxeysay oo mar isku dal ahaan jiray, ayaa u muqaal eeg mida u dhaxaysa waddamada Somaliland iyo Soomaaliya, oo ay hadda is tageen wadahadaladii u dhaxeeyay. iyadoo Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo dhawaan ugu baaqay madaxda waddanka Soomaaliya in aanay ka war wareegin miiska wadahadalka oo ay ku soo laabtaan.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com