24 Shaqaale Ah Laga Caydhiyay Hay’adda Duulista Somaliland Iyo Kuwa Kale Oo La Hadal Hayo In Shaqada Laga Eryayo.

(SLT-Hargeysa)-Ugu yaraan 24-Shaqaale ah oo si ku meel gaadh ah uga hawlgalayay Wasaaradihii hore ee Duulista Somaliland,Imikana lagu badelay oo loo magac bixiyay Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland ayaa Todobaadkii hore laga caydhiyay Shaqada waxaana sida la sheegay wali lagu daba jiraa oo tiro intaasi ka badan kuwaasi oo la sheegay inay si ku meel gaadha ah Wasaaraddaasi uga hawlgali jireen.


Sida ay noo xaqiijiyeen Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland ayaa daaha ka rogay in todobaadkii aynu ka soo gudubnay Hay’addaasi laga dareeray oo shaqada Laga caydhiyay 24-shaqaale Ku meel gaadh ah(Temporary) oo rag iyo dumar iskugu jiray kuwaasi oo qaarkood ay Wasaaradaasi joogeen muddo laba sannadood ka badan halka intooda badani ay yihiin kuwo la qaatay inyar ka hor Doorashadii madaxtooyadda dalka dhacday,Waxaana sida la sheegay shaqaalahaasi dhamaantood lagu wargaliyay inaanay soo shaqo tagin oo shaqada laga caydhiyay.
Wararkan ayaa intaasi ku daray inay jiraan Shaqaale kale oo badan oo Hay’addaasi ku sugan oo ka mid ah Shaqaalaha Ku meel gaadh ah oo tiradooda lagu qiyaasay illaa 64-shaqaale,kuwaasi iyagana la raajicinayo in todobaadkan Shaqada laga caydhiyo,waxaanay arintani daba socotaa islamarkaana ay hordhaceedii ay tahay Qorshe ay Xukuumadda Muuse Biixi kaga tirtirayso Hay’addaha Dawlada Dhamaan Shaqaalihii ku meelgaadhka ahaa ee ay Xukuumaddii hore kaga tagtay Hay’adda Dawlada kuwaasi oo aan lagu darin Shaqaalaha Mushaharka qaata,ee (Pay-role) kujira. Waxaa shaqaalahan ku meelgaadhka ahaa ee Shaqada laga caydhiyay kujiray Shaqaale badan oo Muddo Xileedka Xukuumaddii hore la dhamaystay kuwaasi aan marnaba lagu darin liiska Shaqaalaha Mushaharka Qaata,oo meelo qoyan iska joogay islamarkaana ay soo galaysay lacag buuran oo ilawsiisay inay Xuquuqdii Shaqaalaysiinta ama shaqaalenimo raadsadaan.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office