Connect with us

somalilandtoday.com

Midawga Yurub Oo Ka Soo Horjeestay Xukuno Qisaas Ah Oo Somaliland Ay Fulisay

focus

Midawga Yurub Oo Ka Soo Horjeestay Xukuno Qisaas Ah Oo Somaliland Ay Fulisay

(SLT-Hargeysa)-Wakiilka Midawga Yurub u qaabilsan Somalia Nicolas Berlenga ayaa sheegay in Midawga Yurub uu ka soo horjeedo mabda’ ahaanba xukunada dil ah, oo xukuumadda Somaliland ay ku fulisay ragg ay maxkamaddi ku heshay inay dilal geysteen.

Nicolas Berlenga, Ergayga Midawga Yurub u qaabilsan Somalia ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka, waxaanu yidhi “Amniga, Doorashooyinka, Dayn cafinta, sharciga oo lagu dhaqmo, horumarka… dhammaanteen waan ognahay tirada dhibaatooyinkaas si loo soo afjaro.

Midowga Yurub wuxuu meel adag ka taagan yahay oo uu ka soo horjeedaa mabda ahaanba qisaasta mar walba.” Ayuu yidhi Ergayga Midawga Yurub u qaabilsan Somalia Nicolas Barlenga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top