Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Caydhiyay In Ka Badan 20 Askari Oo U Dhashay Dalka Sucuudiga Iyo Sababta Keentay

focus

Mareykanka Oo Caydhiyay In Ka Badan 20 Askari Oo U Dhashay Dalka Sucuudiga Iyo Sababta Keentay

(SLT-Washington)-21 askari oo ka tirsan ciidanka Sacuudiga ayaa laga soo eryay dalka Mareykanka, halkaasoo uu tababar uga socday.

Ciidankan ayaa la eryay kadib markii mid kamid ah ciidamada Sacuudiga ee tababarka loo geeyay Mareykanka uu toogasho u geystay askar kale oo Amerikaan ah.

Askartan lasoo eryay laguma eedeynin in ay ku lug lahaayeen toogashadii uu mid kamid ah u geystay askar Ameerikaan ah, balse xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka, William Barr ayaa sheegay in askartaas lagu arkay qalab looga shakiyay in ay adeegsadaan kooxaha jihaad-doonka ah iyo sawiro anshax xuma ah.

Saddex ka mid ah shaqaalaha ciidamada badda ee Mareykanka ayaa la dilay, lix kalena waa la dhaawacay, taas oo keentay in hakad la geliyo tababarka uu Mareykanka gudaha dalkaas ku siinayay ciidamada Sacuudiga.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in falki toogashada ee ka dhacay saldhigga ciidamada cirka ee Pensacola uu ahaa ” fal aragagixiso”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top