Connect with us

somalilandtoday.com

Maamulka Puntland Oo Digniin Cusub Kasoo Saaray Roobab Dabeylo Wata

focus

Maamulka Puntland Oo Digniin Cusub Kasoo Saaray Roobab Dabeylo Wata

(SLT-Garoowe)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay Digniin Cusub oo ku socota dadka degan xeebaha, waxaana lagu wargeliyay in Roobab dabaylo wata ay kusoo Food leeyihiin xeebaha Badwaynta Hindiya iyo Badacas ee Puntland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Dabaylo xoogan ay ka dhacayan baddahaa Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas, waxaana dabeysha ay ku socotaa xawaare sare oo ah 36KM/H ilaa 40KM/H.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa dhamaan kalluumeysatada iyo dadka ka ag dhow badda uga digtay inay galaan badda muddo Saddex cisho ah oo ay baddu aad u kacsan tahay.

“Dabaylo xoogan ayaa ka dhacaya baddahaa Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas Dabaylaha ayaa ku socda xawaare sare oo ah 36KM/H ilaa 40KM/H, Dabaylahaasi waxay kasoo kaceen dhinaca waqooyi galbeed iyagoo usii jeeda dhinaca bariga, waxaanay cumiladu saadaasha Hawada ay sheegeen in muddo sadex cisho ah 12-14 Jan-2020 ay kusoo foodleeh yihiin Xeebaha Puntland Sidaas daradeed waxa looga digayaa dhamaan kalluumeysatada iyo dadka ka ag dhow badda in aanay gelin badda sadexdaas cisho ee ay baddu aadka u kacsan tahay.” ayaa lagu yidhi Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Si kastaba dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2019 ayaa waxaa deegaano ka tirsan Puntland ku dhuftay roobab dabeylo watay, kuwaasi oo geystay Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo mid hantiyeed.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top